Mourinho: Inter Milan waa dhaqdhaqaaqa wadnaheya.

Jose Mourinho ayaa qirtay inuu weli gacaltooyo badan u haayo Inter Milan, inkastoo uu kooxda uga soo dhaqaaqay Real Madrid laba sano ka hor.

Tababrihii hore ee Chelsea ayaa los Blancos ku hugaamiyey La Liga iyo Copa del Rey tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay Nerazzurri, laakiin wuxuu sheegay inaysan weli qalibiisa ka go’in guushii Champions League ee uu kula raaxeystay kooxda Talyaaniga.

Mourinho ayaa sidoo kale sheegay inay murgucisay inuu kazoo tegay Inter markii ay ku guuleysatay Horyalka Yurub, laakiin wuxuu cadeeyey inuu xalku ahaa inuu usoo dhaqaaqo Bernabeu.

“RealMadrid ayaa isoo dalbatay markii sedaxaad,” ayuu 49-jirkaani u sheegay TV-ga fadhigiisu yahay dalka Portuguese ee TVI.

“Asxaabteyda ayaa ii sheegay inay halkaasi had iyo joor yaalaan wax aan raadinaayey hadii aan aado Madrid. Waan kazoo tegay Inter sabatoo ah hadii aan guul ku garo Madrid, ka dib waxaan sameynayaa taariikh, si kastaba qalbigeygu wuxuu weli yaalaa Nerazzurro.

“Qofna ima siin wax la mid ah wixii ka dhacay Inter. Waan ooyey hal mar ka badan markii aan kasoo tegay.
“Waan dabaal degaa hadii ay Inter guul gaarto sidoo kale waan xanuunsadaa markii ay guul darro soo gaarto.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.