Moussa Faki oo R/W Kheyre kala hadlay xulista golaha wasiirada cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia kala hadlay Golaha Wasiirada ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Moussa Faki, ayaa Ra’isul wasaaraha wax ka weydiiyay tirada Golaha Wasiirada, ku-xigeeno iyo Wasiiro Dowlayaasha, waxa uuna Kheyre sharaxaad ka bixiyay hanaanka uu kusoo dhisaayo Golihiisa iyo guud ahaan tirada ay ka kooban yihiin.

Moussa Faki ayaa Ra’isul wasaaraha ugu baaqay inuu la imaado Xukuumad ka tayo roon kuwii hore waxa uuna ku taliyay in Xukuumadaani lagu soo dhiso aragti fog.

Moussa Faki, waxa uu sheegay inay sahlan tahay in xilal loo dhiibo shaqsiyaad balse ay adag tahay inaad kula xisaabtanto howsha maadaama shaqsi waliba aadan biliwga aqoon waxqabadkiisa.

Moussa Faki, waxa uu Ra’isul wasaaraha ugu baaqay inuu soo dada jiyo Golaha Wasiirada waxa uuna ku celcelshay in Somalia ay u baahan tahay isbedel balse aysan dooneynin shaqsiyaad Somalia dib ugu celinaaya halkii hore.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu la imaan doono Golo taariikhi ah, waxa uuna cadeeyay in Xukuumadiisa ay ka tayo roonaan doonto kuwii hore.

Dhinaca kale, Moussa Faki iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku heshiiyay in la burburiyo musuqa, si looga gudbo dhaqaalaha dalka oo ku qulqulaaya jeebab kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com