Mucaaradka DF oo daldaloolo ay ku duulaan tagaan ka raadinaya dhaliisha Cali Geedi

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isul wasaarihii hore ee DKMG Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysay wax kama jiraan ka dhigay haddal kasoo yeeray CC Shakuur ee ahaa inay jiraan dad Muqdisho ku ah marti.

Cali Geedi oo ujeedka hadalkiisa uu ahaa inaan la faquuqin dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad u dhaliilay CC Shakuur oo isagu meel uga dhacay rajadii uu mar kale isugu soo taagi lahaa Madaxweyninimada maadaama uu faquuq kala dhex dhigay Bulshada.

Haddalka Cali Geedi oo u muuqday mid lagu difaacayay shacabka kala jaanka ah ee kuwada nool magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeestay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin madaxbanaan oo deegaan ahaan sheegtay Gobolka Banaadir.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta hadalka Geedi ka gubtay ayaa siyaabo kala duwan warbaahinta magaalada Muqdisho uga sheegay in Gobolka Banaadir la kala xigo, isla markaana ay ku tashtaan beelo gaar ah.

Waxa ay sheegen in Cali Geedi uu u gafay nidaamka lagu kala dago dhulka, isla markaana laga doonaayo inuu ka fiirsado hadalada abuuri kara xamaasada.

Waxa ay tilmaameen in Gobolka Banaadir uu yahay mid ay degaan keliya Beelaha Hawiye, isla markaana wixii kasoo haraa ay marti ku yihiin.

Xildhibanada iyo Siyaasiyiinka dhaliisha ka keenay haddalka Cali Geedi ayaa rumeysan in Mr Geedi uu garab u yahay Dowlada Somalia, hase ahaatee uu arrinku yahay mid kaa ka duwan.

Mucaaradka ayaa aad uga carooday haddalada kasoo yeeray Cali Geedi ee u muuqday mid iyaga ku fooraaray, waxa ayna si gaara uga danqadeen Nuqulkii ahaa inay ‘’Jilaafeynayaan Qaranimada iyo Rajadii laga qabay Soomaali is raacda’’

Docda kale, Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Farmaajo ayaa noqoneysa tan ugu shacbiyada badan oo kasbatay Culimada iyo Mucaaradkii hore ee aadka uga soo horjeeday dowlada Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com