Xog: Maxaa iska bedelay khilaafka Jawaari iyo Cabdi Xaashi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan khilaafka ka dhex aloosan Guddoomiyayaasha labada Aqal ee baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Khilaafka oo ka dhashay awoodaha labada baarlamaan ayaa waxa ay soo shaac baxday wixii ka danbeeyay goortii Guddoomiyaha BFS Jawaari uu isku dayay in Aqalka Sare uu la baalmaro shir uu ku qaban lahaa magaalada Baydhabo.

Labada Guddoomiye oo aad ugu kala fogaaday Khilaafka ka dhashay shirka la joojiyay ayaan weli xal ka gaarin khilaafkooda, wallow mid waliba uu si cad u diiday inuu ka gorgortamo awooda Golaha uu Hoggaanka u hayo.

Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole oo isku xil qaamay xalinta khilaafka labada Guddoomiye ayaa ku fashilmay muddo Seddex jeer, kadib markii Guddoomiye waliba uu isa siiyay awooda sharciga.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdullaahi, ayaa mar kale Guddoomiyaha BFS ku dhaliilay inuu jecleystay in wixii kasoo hara BFS aan waxba laga soo qaadin.

Cabdi Xaashi waxa uu ku doodayaa in Jawaari uu doonaayo arrimo kale oo aan ku shaqo laheyn sharciyada, sidaa aawgeed la doonaayo in la kala cadeeyo awoodaha labada Aqal.

Sidoo kale, Jawaari ayaa weli ku doodaaya in awooda ugu badan uu leeyahay BFS, halka awooda Aqalka Sare uu yahay mid xadidan oo aan xiligaan loogu talo galin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda mugdi kujira wada shaqeynta labada Guddoomiye oo markii hore aheyn mid muuqatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com