Farmaajo oo kala saaray sarkaalka iyo askariga midka uu kasoo maaxo xumaanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay sheegay inaanu jirin Askari xun balse uu jiro Sarkaal xun.

Waxa uu Madaxweynaha sheegay in Askari uu qabanaayo keliya howsha la faro, hase ahaatee taxadarka uu yahay mid laga doonaayo Sarkaalka maamula.

‘’Waan la socnaa inaanu jirin Askari xun balse uu jiro Sarkaal xun oo ciidamada ku haga jihooyin khaldan oo aan munaasib aheyn’’

‘’Sidaa darted waxaan ciidamada ugu baaqeynaa inay ilaaliyaan waajibaadka ka saran difaaca dalka iyo dadkooda’’

Farmaajo waxa uu Saraakiisha iyo ciidamaduba ka dalbaday in ay ilaaliyaan hufnaanta Shaqo, waxa uuna tilmaamay in qof waliba lagula xisaabtami doono waxa uu geysto.

Waxa uu intaa raaciyay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Aqlaaqda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu badan ee la sugaayo inay la dhaqmaan shacabka qeybahooda kala duwan ee Gobolada ku dhaqan.

Sidoo kale, waxa uu Farmaajo uga digay ciidamada inay u fikiraan qaab qabiil, waxa uuna soo xusuusiyay in cida ugu horeysa ee uu saran yahay mas’uuliyada amnii inay iyaga yihiin.

Dhinaca kale, Saraakiisha ciidamada ayuu ugu baaqay in ciidamada ay ka dhex joojiyaan dhibaatada qabiil oo ay ku hayaan, waxa uuna ballanqaaday in talaabo adag ay ka qaadi doonan Sarkaalkii lagu helaa fal ceynkaas ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com