Mucaaradka Dowladda oo sabab yaab leh uga dhuuntay heshiiska difaaca badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka dowladda Xasan Sheekh ayaa si weyn u qeyla-dhaamiyay soddankii cisho ee lasoo dhaafay. Waxay ka hadlayeen howsha dastuurka ee uu guda-galay baarlamaanka Soomaaliya.

Waxay sheegayeen inay jirto mudnaan kale oo taas ka horreysa, waxyaabaha ay farta ku fiiqayeen waxaa kamid ahaa difaaca badda.

Qaarkood si adag ayay arrinta badda uga hadleen billowgeedii hore, sida; Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaasi oo adeegsaday ereyadii ugu adkaa ee xubnaha mucaaradka u adeegsadaan Itoobiya.

Warsame isagu weli wuxuu u muuqda mid mowduuca Itoobiya waqti badan gelinaya, isaga oo bixinaya tallooyin wax ku ool ah, laakiin asbuuc kale oo arrinta badda ay ka hadal mudneyd ayaa soo maray Soomaalida, waana heshiiska difaaca badda ee dhex-maray Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer loogu baaqay inay raadsato difaac baddeed dibadda ah ayaa ajiibtay codsigaas, waxayna sadaro cusub ku dartay heshiis ay Turkiga muddo fog rabeen.

Soomaaliya ayaa toban sanno gudahood loo dhisi doona ciidan baddeed ku filan baddaheeda, waana loo qalabeyn doona.

Turkiga wuxuu tobankaas sano ilaalin doonaa biyaha Soomaaliya, isaga oo ka ilaalinaya kalluumeysiga sharci darrada ah, argagixisada, burcad badeedka, in sunta lagu shubo iyo fara-gelinta ajnabiga kale, isaguna saami ayuu ku yeelan doonaa dhaqaalaha kasoo baxaya biyaha Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskan, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka kala dhuuntay soo dhoweyn iyo diidmo labadaba.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa isweydiiyay sababta ay heshiiskan uga dhuunteen xubnihii waayadan looga taag-waayay walaaca dastuurka ee dowladda ugu baaqaayay inay mudnaan siiso difaaca badda.

Aamusnaanta xubnaha mucaaradka ee heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa loo kala qaaday laba qeybood, kuwaasi oo kala ah;

1. Xog la’aanta heshiiska

Qaar kamid ah mucaaradka ayaa la sheegaya in aanay weli faham fiican ka helin heshiiskan. Iyada oo xogta heshiiska ee bulshada lala wadaagay ay aad u kooban tahay, ayaa mucaaradka qaar uga aamuseen arrintaan inay faham badan ka haysan heshiiska.

Qofka siyaasiga ah inuu iska hadlo ogaal la’aan sax ma ahan, waxaana macquul ah in qaarkood weli raadinayaan inay heshiiska fahmaan.

2. Qolo diidan dhibcaha madaxweyne Xasan

Xubnaha mucaaradka qaarkood heli kara heshiiska fahamsana waxa ku dhex jira ayaa la aaminsan yahay inay hoos iskaga dhigayaan iyaga oo u jeeda inuu yahay mid wax badan u dhalaaya nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh iyo muddo xileedkiisa.

Qoloda dambe waxaa lagu sifeyn karaa rag ay iskaga qaldan tahay danta dalka iyo colaada ay u qabaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Difaaca biyaha Soomaaliya wuxuu saaran yahay qof walba oo Soomaali ah, si gaar ah xubnaha tallada haya, kuwaasi oo haddii muddo xileedkooda la qaato qeyb dalka kamid ah ay ku noqon doonto taariikh madow oo aan weligood ka harin.