Shirkadda DAAUUS oo ka digtay xafaayad laga copy gareeyey xaafayadda NUNA

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Daauus ee dalka keenta xafaayadda NUNA ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay shacabka uga digtay xafaayad been abuur iyo minguurin ah oo loo ekeysiisay NUNA oo dalka la keenay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Waxaan war-saxafadeedkan rabnaa inaan Macamiisha Sharafta Leh ee Shirkadda DAUUS iyo dhammaan dadweynaha Somaliyeed kula wadaagno dhacdo wacyi- gelin iyo digniin isugu jirta.

Waxaa maanta amar kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland lagu joojiyay konteenar Lambar MEDU8987320 oo siday ugu yaraan 2,000 Kaartoon oo xafayadood oo musayif ah, loona soo ekeysiiyay nooca xafaayadda caanka ku ah tayo wanaaga ee NUNA.

Xafaayada musayif-ka ah waxaa keentey Shirkadda OMAAR kana soo dejisey Dekedda Berbera, xafaayadan musayif-ka waxaa loo soo ekeysiiyey NUNA.

Shixnaddan oo ah konteenar hormaris ah ayaa lagu joojiyay Dekedda BERBERA, markii lagu fuliyay amar warqad si rasmi ah ugu soo baxday Wasaarada Ganacsiga Somaliland iyadoo sidaana looga hor-istaagay in dalka intiisa kale badeecaddas musayifka ah gudaha usii gasho.

Dhacdadan waa middii labaad oo muddo labo bilood gudahood ah lasoo daristay Shirkadda DAUUS, iyadoo sidaan oo kale bishii December, 2023 loogu joojiyay gudaha Dekedda BOSAASO – Puntland , badeecad loo soo ekeysiiyay xafaayadda caanka ah ee NUNA.

Haddaba, waxaa nasiib darro ah, in maanta cidda falkan gurracan ee diinta iyo dhaqanka ganacsigaba khilaafsan ku kacday kuna lug-leh ay tahay – Shirkadda OMAAR oo ah Shirkadweyn aadna looga yaqaano deegaanada Somaaliyeed oo dhan.

Dhammaan macaamiisha NUNA, waxaanu ogeysiineynaa in Dauus marnaba oggolaneyn alaab musayif ah oo shirkad kale keento oo loo soo ekeysiiyo alaabteena tayada wanaagsanlagu bartay.

Shirkadda OMAAR waxaynu hawada u marineynaa farriintan:

1. Waxaad tahay Shirkad weyn, lehna magac dheer , looma baahna inaad inaad la soo suuqtagto badeecad loo soo ekeysiiyay midda Shirkadda DAUUS, idinkoo sidaa ku jabinaya sharciyada ganacsiga adduunka & kii dalka u yaalay.

2. HABAQIN: waxaan idinku dhiirri galineynaa inaad keensataan xafaayad magaciinu ku daabacan yahay, naqshad idiin gaar ahna leh. Suuqa ganacsigu waa furan yahay ee tartanka suuqa si nadiif ah ugu soo dhawaada.