Mucaaradka Kenya oo doonaya in haweenku siyaasadeeyaan galmada

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa haweenka weydiisatay inay raggooda u diidaan galmada (Sex) illaa inta ay isku diiwaan gelinayaan doorashooyinka dhacaya sideedda August ee sanadkan.

Mishi Mboko oo ah wakiil laga soo doorto magaalada xeebta ee Mombasa ayaa sheegtay inay tahay xeeladda ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo codadka mucaaradka.

“Haweenkoo, tani waa xeelad ay tahay inaad adeegsataan. Waa tan ugu wanaagsan. U diida galmada ilaa inta ay idinka tusayaan kaaraka diiwaanka codeynta” ayey tiri.

Is-diiwaan gelinta doorashada ayaa ku eg toddobada bisha Febraayo ee soo socota.

Ms Mboko ayaa sheegtay in galmadu ay tahay hub awood badan oo ku dhiiri-gelin kara raga diidan inay codeeyaan inay deg deg u tagaan oo ay is-diiwaan geliyaan.

Waxa ay sheegtay in xeeladdan aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin seygeeda, maadaama uu goor horeba is-diiwaan geliyey.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa doonaya in dib loo doorto, waxaana la filayaa inuu la tartamo musharax ka socda is-baheysiga xisbiyada, oo uu ku jira xisbiga ODM ee ay Mboko ka tirsan tahay.

Mboko ayaa aaminsan in is-baheysiga mucaaradka uu guuleysan karo haddii dhammaan taageerayaashiisa ay isu diiwaan geliyaan inay codeeyaan.

Qaadacaadda galmada ayaan ahayn wax ku cusub Kenya. Sanaddii 2009, dhaqdhaqaaqa haweenka ayaa muddo toddobaad ah galmada diiday si ay madaxweyne Mwai Kibaki iyo ra’iisul wasaare Raila Odinga ugu qasbaan inay dib u heshiiyaan kadib khilaaf soo kala dhex galay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com