Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in aysan jirin cid maanta ka welwel badan, kana nugul.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in awoodda xukun ee Madaxweyne Xasan Sheekh aysan ku dhisnayn sharciyad akhlaaqeed, aragti qaran oo la wada leeyahay, ama himilo ay dadka ku xeerani si dhab ah u rumaysan yihiin, sida uu hadalka u dhigay.
“Ma jirto cid ka welwel badan, kana nugul maanta, taliska Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, xilli uu muddoxileedkiisii gebogebo ku dhow yahay,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu maanta soo saaray.
Sidoo kale wuxuu sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay, siyaasadda laga dhaariyey run-sheegnimo, masuuliyad, sarriigasho, iyo u adeegidda danta guud, iyadoo halkoodii buuxiyeen danaysi, kala iibsasho, iyo aamusnaan lagu gorgortamay, sida uu sheegay.
“Sidaas awgeed, tani ma aha oo keliya fashil hoggaamineed; waa fashil akhlaaqeed oo dhab ah,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Ma jirto cid ka welwel badan, kana nugul maanta, taliska Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, xilli uu muddoxileedkiisii gebogebo ku dhow yahay. Awoodda xukunkiisa kuma dhisnayn sharciyad akhlaaqeed, aragti qaran oo la wada leeyahay, ama himilo ay dadka ku xeerani si dhab ah u rumaysan yihiin.
Taageerada iyo daacadnimada waxay ku dhisnayd dano: xilal, xoolo, qandaraasyo, dhul laga barakiciyey danyar, iyo saaxiibtinimo ku dhisan faa’iido.
Marka muddoxileedku gabaabsi noqdo, shabakadihii xiriirka way dabcaan, daacadnimadii waa luntaa, saaxiibbadiina dhabarka ayay isu jeediyaan, sacab-tunkii iyo ammaantii afka baarkiisa ahayd way istaagaan.
Wixii loo haystay awood ayaa si cad loo arkayaa in ay ahayd dano ku-meel-gaar ah, oo aan lahayn sal iyo tiir toona.
Afartii sano ee la soo dhaafay, siyaasadda waxaa laga dhaariyey runsheegnimo, masuuliyad, sarriigasho, iyo u adeegidda danta guud. Halkoodii waxa buuxiyey danaysi, kala iibsasho, iyo aamusnaan lagu gorgortamay. Sidaas awgeed, tani ma aha oo keliya fashil hoggaamineed; waa fashil akhlaaqeed oo dhab ah.
Talisyada caynkan ahi dibadda kama dumaan ee gudaha ayay ka dilaacaan. Waxay ku burburaan marka ay dhammaato dantii lagu wada joogay. Keliya waxa ay u baahan yihiin in ilinka laga jebiyo. Xiligeediina waa la joogaa.
﴿ادْخُلُوا عَلَيْهِمُ الْبَابَ فَإِذَا دَخَلْتُمُوهُ فَإِنَّكُمْ غَالِبُونَ﴾

