Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa dhinac kasta ka dhaliilay siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo si gaar ah u dul-istaagay dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in dadka Muqdisho ku nool ay wajahayaan boob hantiyeed oo aan horay loo arkin, iyadoo barakicinta iyo dhaca dadka loo adeegsanayo ciidamadii qaranka oo laga soo weeciyey dagaalka Al-Shabaab, sida uu hadalkiisa u dhigay.
โXitaa qofkii jiingad dhisanaya ama gurigiisa albaabka ka bedelaya dhawaqa ayaa lasoo raacayaa, lacag ayaa laga rabaa, Computer ayaaba loola soo baxaa, war dowladnimadii dadka waa lagu dulmiyey, war xishood ma jiro miyaa?โ ayuu yiri Shariif.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalka ay ka socoto โqof iyo qoriโ hadalkaas waxaa horay u yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna kala kulmay weerar adag, balse Sheekh Shariif oo sii macneeyey wuxuu yiri โQof u socda xaflad lama daayo, qof meyd sida lama daayo, qof safraya lama daayo, xitaa qof shaqaale ah oo maskiin ah oo guri dhisaya maalinkii 10 jeer ayaa loo imaanaa, lacag keen, ayuu mid kasta lasoo hor istaagayaa, war waxaasi waa ceeb dowladnimana maaha.โ
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in ciidamadii ku dagaalamay Tarabuunka ay ka wada tirsanaayeen hal Guuto, โKuwana lacag ayaa lasoo siiyey kiciya ayaa la yiri, Kuwana waxay dheheen nama kici kartiin, waana iska dhiciyeen, inay is dilaan ayaa ka dhalatay waad la socoteen wixii dhacay,โ ayuu yiri Shariif.
Sheekh Shariif ayaa si cad u sheegay in dowladdu ay goโaansatay inay soo saarto dad hantiilayaal ah, iyadoo dadka kale ee shacabka ah albaabada laga xirtay oo hoygoodii xoog looga saarayo, iyadoo meel ay aadaan aysan jirin.
Sidoo kale, Sheekh Shariif, ayaa sheegay in Muqdisho ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamadii hor istaagi lahaa loo adeegsaday barakicinta dadka, taas oo dowladnimada dhaawac ku ah, sida uu sheegey.
Sidoo kale, Shariif wuxuu sheegay in caalamku dowladda Xasan Sheekh si weyn u taageeray oo hub iyo dhaqaalihii ugu badnaa lagu garab istaagay, balse si qaldan looga faaโiideystay awoodaas, isagoo xusay dagallada ka dhacay gudaha Muqdisho, kuwii Gedo ka dhacay iyo jabka ciidamada ee furimaha dagaalka.
โWixii ay taageero heshay dowladaan waxba kama bedelin dagaalka Al-Shabaab, qabaaโilkii u diyaarsanaa inay dagaalka ka qeyb qaataan waa looga baxay dagaalka, hadan ayadoo ku marmarsiyooneysa waxaan nahay dowlad dhameystiran ayey xireysaa xafiisyadii UN-ka ee Muqdisho, taas oo qorshaha ay ka leeyihiin ay tahay in doorashada la boobo,โ ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu intaas ku sii daray, โXaaladda maanta jirta waxaan ognahay dowlado ayaa taageeri jiray Soomaaliya, qaarkood dhaqaalihii waa goosteen, qaarna waxay qarka u saaran yihiin inay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya, ciidankeenii waa niyad jabay, Shabaab waa soo xoogeysanayaan.โ