24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 13, 2025

Shirkii mucaaradka u gaarka ahaa oo lagu kala tegay caawa kadib markii la isku qabtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa caawa ku guul darreystay inay isku raacaan in ay faahfaahin ka bixiyaan shirkii maanta natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii ay ka soo baxeen Villa Somalia, waxay si toos ah ugu tageen guriga hoggaamiyaha Madasha, Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay ku yeesheen shir gaar ah oo goor dhow soo dhamaaday.

Mucaaradku waxay isku raaci waayeen hanaanka loo dhigayay war-saxaafadeedka laga soo saarayo kulankii fashilmay ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa suuragal ah in caawa mar kale lagu shiro Hotel Jazeera, si loo isla meel dhigo go’aanka ay ka qaadanayaan kulamadii tixanaha ahaa ee ay la yeesheen Xasan Sheekh, kuwaas oo si dhab ah u fashilmay gelinkii dambe ee maanta.

Saxaafadda oo caawa tagtay guriga Sheekh Shariif ayaa goor dhow loo sheegay in war-saxaafadeedka weli la gorfeynayo, isla markaana berri la soo saari doono bayaanka ay ku cadeynayaan mowqifka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aysan dhinacyadu gaarin wax heshiis ah.

Kulanka maanta, oo lagu waday inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax ka beddelka cutubka afaraad ee Dastuurka, ayaa la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka afaraad ee Dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leexleexad lahayn, taas oo sida muuqata aan suuragal noqon.

- Advertisement -

Read more

Local News