25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Mucaaradka oo kulan xasaasi ku yeeshay guriga Rooble kadib fashilka wada-hadallada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble kadib markii ay natiijo la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadalladii kala dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga arrinsanayay tallaabooyinka xiga ee mucaaradku qaadi doono haddii wada-hadalladu si rasmi ah u fashilmaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo Axaddii shir ku yeeshay Villa Somalia ayaa ku kala tagay kadib markii lagu guuldarreystay in la isla meel dhigo qodobo muhiim ah, gaar ahaan hirgelinta nidaamka doorashada ee “qof iyo cod.”

Guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta war-saxaafadeed la filayay ayaa hakiyay kulamadoodii. Si kastaba, rajo yar ayaa laga qabaa in dhinacyadu gaaraan heshiis, maadaama khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada garab uu sii xoogeysanayo.

Kooxda Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si gaar ah iskugu haya cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyadoo mucaaradka ay dalbanayaan in laga laabto wax ka beddelka.

Mucaaradka ayaa Madaxweynaha ka dalbaday tanaasul dhab ah oo aan leex-leexad lahayn, si ay u guuleystaan wada-hadallada loona soo gaba-gabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.

Si kastaba, is-mari waaga jira ayaa iftiiminaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee sii ballaaranaya, xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah oo isbeddelo doorasho lagu wado in dhawaan la dhaqan-geliyo.

- Advertisement -

Read more

Local News