28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo libin weyn ku helay arrin ay maanta sameysay dowladda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xubin firfircoon ka ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliila dowladda federaalka ayaa soo saaray qoraal uu si adag ugu cambaareeyey Suxufiyiintii maanta lagu xiray magaalada Muqdisho.

Mucaaradka ayaa hadda helay kiis ay dowladda ku qabsadaan, halka dowladda federaalka lagu dhaliilo in aysan laheyn qorshe ay ku jiheyn karto aragtida bulshada iyo in ay qaado tallaabooyin fursad buuxda siinaya mucaaradkeeda.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga sharci-darrada ah ee ay ciidamada ammaanka Muqdisho kula kaceen suxufiyiin iyo dadweyne aragtidooda kaga qaybqaadanayey rayi ururin ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri CC Shakuur.

Weriyaal ka tirsan TV-yada Shabeelle, Somali Cable, SYL iyo Goobjoog ayaa maanta laga xiray jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyagoo shacabka weydiinaya ‘sida ay u arkaan dhaqdhaqaaqa mucaaradka iyo xaaladda guud ee dalka.’

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Tani waxay caddayn u tahay in rajiimka talada haya si ku tala gal ah u beegsanayo warbaahinta, unna caburinayo xoriyadda hadalka, taas oo laf-dhabar u ah isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo dowlad wanaagga.”

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay ka waantoobaan cabsi gelinta, beegsiga suxufiyiinta iyo cabburinta xoriyadda rayiga oo ka mid ah xuquuqda lamataabtaanka ah ee uu dastuurku dammaanad qaaday.

Sidaan oo kale, waxaa maanta shir jaraa’id u qabtay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyey inay bilowday caburin uu sheegay inay caddeyneyso fashilka madaxweynaha maanta jooga, isaga oo xusay in aysan suuragal ahayn doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qorsheyneyso dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan cambaaraynayaa tacadiyada iyo caburinta ka dhanka ah suxufiyiinta iyo warbaahinta xorta ah waxaana nasiib darro ah in nidaamka maanta jira oo sheeganaya inuu rabo doorasho qof iyo cod ah uusan aqbali karin in weriyeyaashu ay soo gudbiyaan dareenka iyo aragtida shacabka. Falalkaasi waa kuwa ka soo horjeeda dowladnimada iyo dastuurka” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalka Shariif, CC Shakuur iyo siyaasiyiinta kale ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Muqdisho ay maalmahaan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, CC Shakuur iyo xubno kale ayaa shalay isugu tegay Mawlaca Macalin Nuur oo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur uu ku casuumay, halkaas oo kulan qado ah ay ku yeesheen, kana jeediyeen hadallo ay ku mucaaradeen dowladda.

Kulankaas ayaa dareen culus ku abuuray dowladda.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la isku fahmi la’yahay nooca doorashada, iyadoo arrintaas ay u sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee soo xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay xoogga soo saartay kooxda.

 

- Advertisement -

Read more

Local News