Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ka digay xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo ay sheegeen inuu ku jiro qalaalase dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in halkii uu xil iska saari lahaa sidii loo heli lahaa is-afgarad qaran iyo waddo nabdoon oo looga gudbo marxaladdan adag, uu beddelkeeda dagaal siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed la galay Safiirka Midowga Yurub, kadib markii qoraal ay ka qortay kulankiisii ugu yeeri weyday “Madaxweyne.”
“Waxaa la qoray dacwad diblomaasiyadeed, waxaa la qaaday olole iyo cadaadis lagu doonayo in dib loogu soo celiyo cinwaanka ‘Madaxweyne’. Ugu dambeynna waxaa loo dabaaldegay markii safiiraddu qortay: ‘H.E. President Hassan Sheikh Mohamud,’” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale, wuxuu su’aal geliyay haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kalsoon yahay sharciyaddiisa, sababta uu ugu baahan yahay inuu safiiro shisheeye kula dagaallamo cinwaankiisa baratakoolka.
“Wuxuusan garan in sharciyadda dhabta ah laga kasbado shacabkaaga iyo dastuurka dalkaaga, ee aan laga helin eray safiir qoray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Dalku wuxuu ku jiraa qalalaase dastuuri ah, mana jiro heshiis siyaasadeedna oo looga gudbo hubanti la’aanta sharciyadeed iyo kala-guurka siyaasadeedna ee sii kordhaysa.
Halkii uu xil iska saari lahaa sidii loo heli lahaa is-afgarad qaran, sharciyad siyaasadeed, iyo waddo nabdoon oo looga gudbo marxaladdan adag, ayuu labadii maalmood ee la soo dhaafay, ninka habeenkii shanaad sharci darrada ugu hoyanaya Villa Soomaaliya wuxuu dagaal siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed kula jiray Safiirka Midowga Yurub, kadib markii ay tweet ay la kulankiisii ka qortay ugu yeeri weyday “Madaxweyne.”
Waxaa la qoray dacwad diblomaasiyadeed, waxaa la qaaday olole iyo cadaadis lagu doonayo in dib loogu soo celiyo cinwaanka “Madaxweyne.” Ugu dambaynna waxaa loo dabaaldegay markii Safiiradu qortay:
“H.E. President Hassan Sheikh Mohamud.”
Laakiin wuxuusan si dhab ah ufahmin fariinta ku lifaaqan qoraalkaas oo ah in Midowga Yurub uu €75 milyan ku bixiyey taageerada AUSSOM, halka uu €63 milyan ku bixiyey gargaar bani’aadannimo iyo gurmad abaaro, isla markaana loo baahan yahay “wadaagga culayska iyo masuuliyadda” si horay loogu socdo.
Qof kasta oo fahmaya luqadda diblomaasiyadda wuxuu garan karaa fariinta dahsoon ee ah in Soomaaliya si tartiib ah loogu soo koobayo fayl amni iyo gargaar bani’aadannimo. Si kale haddii loo dhigo waxaa lagu leeyahay
“Waxaan ilaalinaynaa amniga dalkaaga, waxaan ka qeyb qaadanaynaa gurmadka dadkaada, laakiin kama muuqato dowladnimo leh kalsooni siyaasadeed, sharciyad, iyo awood ay masuuliyadda nala wadaagto.” Tweet-ka kama muuqan kalsooni dowladeed, sharciyad dastuuri ah, taageero dowlad-dhisid, maalgashi, iyo iskaashi horumarineed oo waara.
Haddii ay jiri lahayd dowlad sharciyad iyo kalsooni leh, waxaa laga hadli lahaa dib-u-dhis hay’adeed, koboc dhaqaale, maalgashi, iyo taageero ku dhisan hannaan dimuqraadi ah.
Tan kale, haddii uu Xasan Sheekh sharciyadiisa ku kalsoon yahay, muxuu uga baahna in uu safiiro shisheeye kula dagaallamo cinwaan baratakoolkiisa. Wuxuusan garan in sharciyadda dhabta ah laga kasbado shacabkaada, iyo dastuurka dalkaada ee aan laga helin eray safiir qoray.
Qaran doonaya sharaf iyo karaamo kuma noolaan karo weligiis gargaar degdeg ah, amaanka AUSSOM, iyo ku-tiirsanaan shisheeye isagoo taas ugu yeeraya sharciyad caalami ah.
Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaam dastuuri ah, heshiis siyaasadeed, dowladnimo isla xisaabtan leh, kalsoonida shacabkeedana haysata.

