Mucaaradka oo raajicinaya kulanka Xasan Sheekh kahor qaadista tallaabo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo siyaabo kala duwan u diidan halka uu geediga dowladnimada u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan iskugu tegay magaalada Muqdisho.

Xubnahaan oo ay Xasan Sheekh mar ka wada tirsanaan jireen Dalladii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa hadda ka biyo diidan qaabka uu madaxweynaha rabo inuu u dhameystiro arrinta dastuurka.

Tan iyo 2012-kii Soomaaliya ayaa ku dhaqmeysay dastuur qabyo ah. Xasan Sheekh ayaa ballan-qaadkiisa doorashada uu ku galay waxaa ku jirtay in haddii la doorto uu dhameystiri doono dastuurka dalka. Haddana wuxuu u dhaqaaqay inuu taas ka dhabeeyo.

Xubnaha mucaaradka ah ee Muqdisho dhawaan iskugu tegay waxaa ugu tun weyn Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sida uu madaxweynaha rabo in dastuurka loo dhameystiro iyo xaaladda lagu jiro oo ay dhinacyo muhiim ah maqan yihiin ayaa kamid ah doodaha ay qabaan mucaaradka.

Xubnahaan waxay ku heshiiyeen in inta aanay qaadin duullaan siyaasadeed oo loo jeedo inay marka hore madaxweynaha la hadlaan, oo ay ugu baaqan inuu arrinta dastuurka dib u dhigo. Haddii uu ka diidana ay markaas ku dhaqaaqan wixii la gudboon.

Sida uu qorshaha ahaa waxay aheyd inay Khamiistii la kulmaan madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin waxaa soo baxeysa in Xasan uu dalbaday in kulanka dib loo dhigo.

Xasan ayaa la sheegay in uu codsaday in kulanka dib loo dhigo illaa 16-ka bisha, isaga oo sababtana ku sheegay inay ku jiraan safaro muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa Sabtidii booqasho rasmi ah ku gaaray waddanka Jabuuti, halka sidoo kale la filayo inuu aado waddanka Mareykanka oo uu ka qeyb-galo shirka dalalka haya furaha amniga Soomaaliya iyo sidoo kale inuu goobjoog ka noqdo shirka IMF ee sida rasmiga ah loogu shaacin doono in Soomaaliya laga wada cafiyay deyntii ku taagneyd sanadaha badan.

Xubnaha mucaaradka ayaa qaar u arkaan in dib u dhigistaan inuu madaxweynaha ka meer-meerayo la-kulankooda, halka ay qaarna qabaan in aan la deg-degin oo waqti la siiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale mira-dhalka kulankiisa ayay ku kala aragti duwan yihiin, iyada oo qaar qabaan in Xasan Sheekh laga joojin karin jihada uu u socdo, halka ay qaarna aaminsan yihiin inay ku qancin karaan dooddooda.

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku doodayaan in dhameystirka dastuurka uu kamid yahay waxyaabihii loo doortay, ayna ku qasban yihiin inay ballantaasi fuliyaan, laakiin ay ogol yihiin in lagala doodo qodobadii loo arko inay keeni karaan culeysyo mustaqbalka ah.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale la soo warinayaa inay ku kala aragti duwan yihiin habka loo dhameystirayo dastuurka dalka.