Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cadaysay in colaada uu Xassan Sheekh ka hurinayo Gobolka Gedo ay khatar galinayso dadaalada Dowlad dhiska Soomaaliyeed ee xiliga fog soo bilowday, sida ay hadalkooda u dhigeen.
Madasha ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay aad ugu xuntahay, isla markaana cambaareynayso dagaalka ka aloolsan Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Jubbaland.
“Shirkii 25-kii Juun 2025 Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaa qodobbadii shirka ka soo baxay ka mid ahaa adkeynta midnimada dalka iyo dadka, xoojinta amniga, iyo la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.
Madasha Samatabixinta waxay ayaan darro ku tilmaameen in balantii ay la galeen Madaxweynaha beddelkeedii ay Dowladda Federaalku colaado iyo dagaallo sokeeye ka hurineyso gobolka Gedo, kuwaas oo halis-galinaya amniga, nabadda, iyo xasilloonida dadka iyo deegaanka, waxna u dhimaya dadaallada nabadeed ee dowlad-dhiska iyo dib-u-heshisiinta bulshada Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Madashu waxay ka xuntahay in ciidamadii Qaranku ay maanta isku laynayaan dagaal siyaasadeed oo ay huriyeen madaxda Dowladda Federaalka, oo fursad hor leh siinaysa cadawga ummadda Soomaaliyeed, halkii laga sugayay in ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed u abaabusho sidii dalka looga xorayn lahaa argagixisada arxanka daran ee ku soo duushay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”
Ugu dambayntii, Madasha ayaa baaq u dirtay madaxda dowladda federaalka, iyagoo kula taliyey in la joojiyo hurinta colaadda sokeeye, loona soo jeesto dagaalka Khawaarijta.
“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah u joojiyaan galalaasaha dagaal ee ay ka wadaan dowlad-goboleedka Jubbaland, ciidamada dalkana aanu u adeegsan dano siyaasadeed, xooggana la saaro sidii dalka looga xoreyn lahaa argagaxisada iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ku bahoobeen.