Mucaaradka oo war kasoo saaray xil ka qaadista lagu sameeyey Saadaq John

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay is-bedalka deg degga ah ee lagu sameeyey hoggaanka taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) in uusan qaaban xilka loo magacaabay ee taliyaha Booliska gobolka Banaadir, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay xil gumeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ‘inuu dhacay gabalka’ madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, loogana baahan yahay in uusan maqlin warkiisa.

“Ha qaadan xil gumeed, hana maqlin warka hoggaamiye kooxeed Farmaajo. Ninkaas gabalkiisa waa dhacay,” ayuu yiri Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Is-bedalka deg-degga ah ee lagu sameeyey taliska gobolka Banaadir, ayaa yimid kadib saacado uun markii shaaciyey Saadaq Joon im uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan muranka hareeyey doorashooyinka.

Xaaladda soo korortay ayaa uga sii dareysa is mari-waaga taagan doorashooyinka 2021-ka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.