Midowga Musharixiinta oo Farmaajo u aqoonsaday “Hoggaamiye kooxeed”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Musharixiinta oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Midowga Musharixiinta ayaa si cad u sheegay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay hadda u aqoonsan yihiin inuu yahay “Hoggaamiye Kooxeed” fadhiya Madaxtooyada.

Shirka jaraa’id ee midowga musharixiinta ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dalka aysan ka jirin wax sharciyad ah xilligaan, Farmaajana uu la mid yahay hoggaamiye kooxeed fadhiya Villa Somalia .

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ay Farmaajo ka ciidan badnaayeen, islamarkaana ay ka talin jireen qeybo badan oo dalka kamid ah sidaas oo ay tahay ugu dambeyntii laga adkaay.

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa Taliyaha ciidamada Booliska General Xijaar uga digay inuu madaxweyne Farmaajo ku taageero qaab qabiil ah taasna ay dalka u horseedi karto qalalaase.

Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka uu ku jiro halistii ay muddo badan ka digayeen isla markaasna loo baahan yahay in laga gudbo halistaas.

Ra’isul wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor taagan yihiin inuu dalka geliyo dagaal sida uu hadalka u dhigay.

Kheyre ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan dalka uu mas’uul ka yahay ninka diiday in dalka ka dhacdo doorasho, wuxuuna si cad carabka ugu dhuftay in madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u aheyn doorasho xor iyo xalaal ah.

“Maanta waxay mareysaa in ciidankii Soomaaliyeed ay ku kala qeybsameyn damaca madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday, dariiqa uu dalkaan ku wado waa god,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ugu dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa boggaadiyey go’aankii uu qaatay taliyhii xilka laga qaaday ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon.