Mucaaradka Somaliland oo ka laabtay talaabadii ka dhanka aheyd Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa maanta shaaciyey inay ka laabteen talaabo ka dhan aheyd Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo ay hore u qaadeen.

Waddani iyo Ucid ayaa maanta shaaciyey inay gebi ahaanba ka noqdeen go’aankii ahaa inaysan wax kulan ah la qaadan doonin Madaxweyne Muuse Biixi, ilaa inta uu qabanayo Doorashooyinka muddo dhaafka badani ku yimid.

Xisbiyada Mucaaridka oo maanta si wada jira warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Muuse Biixi la kulmayaan si loo dhameeyo khilaafkii ka dhashay Komishanka doorashooyinka, isla markaana ka wada-hadlayaaan sidi ay u qabsoomi laheyd doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaankuba

“Gogoshii Madaxweynaha waanu ogolaanay waanan la kulmaynaa, Madaxweynaha waxaanu kala hadli doonaan sidii loo fulin lahaa go’aankaa la gaadhay” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayey afka labada Xisbi.

Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiye Faysal “Shacabka Somaliland waxaan leenahay xaal-baanu idin siinay inaan isku kiin dul qabsano may ahayn”.

Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa dhawaan ka horyimid kulan uu ugu baaqay Madaxweyne Biixi, kaasi oo uu ku dalbanayey in guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah u kulmaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka.

Go’aanka ay maanta kaga laabteen xisbiyada Mucaaridku midkoodi hore ee diidmada ahaa ayaa u muuqda mid ay ka dambeeyan Wafdigii Beesha Caalamka ee Hargeysa ku tagay socdaalka, kuwasi oo dabada ka riixaya sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka muddo dhaafey ee Somaliland.