Mucaaradka Somaliland oo war deg dega kasoo saaray go’aamadii shalay ee guddiga

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa maanta ka hadlay go’aamadii ay guddiga dhex-dhexaadinta khilaafkii doorashooyinka uu ka soo saaray xal ka gaarida xiisadii kala dhaxeysay Muuse Biixi.

Guddidii dhex-dhexaadinta Xisbiyda mucaaridka ah iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa shalay shaaciyey 3-qodob oo xal kama dambeysa ah lagaga gaarayo khilaafka baahsan ee Xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo ku hadlayey afka labada xisbi ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ka sheegay in labada xisbi mucaarid ay si wada-jir ah u aqbaleen go’aamadii ay shalay soo saareen guddidaasi.

Waddani iyo Ucid ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay inay aqbaleen saddexda qodob ee ay soo jeediyeen Guddigii dhex-dhexaadineysay mucaaridka iyo Biixi, isla markaana ay ka tanaasuleen eedihii ay hore ugu jeediyeen komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland.

Labada xisbi ayaa sheegay inay door bideen in go’aankaasi aqbalaan, isla markaana meesha ka saaraan tabashadii hore ee ay ka qabeen Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland, iyagoo eegaya midnimada umadda iyo geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland.

Go’aamadii ay shalay soo saareen Guddidii dhex-dhexaadinta Xisbiyda mucaaridka ah iyo Muuse Biixi ayaa waxa kamid ahaa in dib loo soo celiyo Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ee wakhtigoodii dhamaaday, iyadoona la kala dirayo Komishankan cusub ee muranka badan dhaliyay.

Waxa sidoo kale guddigaasi uu shalay soo jeediyeen inay xisbiyada Mucaaridka ah ay ixtiraamaan, isla markaana ay ku kalsoonaadaan dhamaan Xukuumada Muuse Biixi, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Maxkamadda Sare, midaasi oo ay maanta aqbaleen xisbiyada mucaaridku.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu si weyn uga soo horjeeday Komishankii doorashooyin ee uu wakhtigiisu ka dhamaaday, kaasi oo uu hore kala laabtay kalsoonidii, balse uu hadda shaaciyay in komishankaasi ay la shaqeyn doonaan, haddii dib loo soo celiyo.

Ilaa iyo hada lama oga sida ay ku dhaqan gali doonto in dib loo soo celiyo Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland, oo iyagu xilkii ku wareejiyay Komishanka cusub ee doorashooyinka, oo dhowaan loo dhaariyey xilkaasi.