XOG: Xildhibaanno dacwo ka ah Axmed Madoobe oo soo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xildhibaano ka tirsanaa baarlanmaankii hore maamulka Jubbaland ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo tiradoodu ay gaareyso 40 mudane ayaa dacwo ka ah madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xubnahaan ayaa ka cabanaya in madaxweyne Axmed Madoobe uusan muddo ku siman 35 bilood, oo ah seddax sano, aysan ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulkiisa, sida mushaahkoodii iyo xuquuqihii kale ee xildhibaanku lahaa.

Xildhibaanadaas ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Senetorada laga soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland, kuwaas oo ay u gudbiyeen warqad ay uga dacwoonayaan Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah xildhibaanadaas ayaa Caasimada Online u sheegay in dacwadooda ay u gudbi doonaan cid kasta oo wax ka qaban karta sida xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Markii laga soo tago mushaar la’aanta ay ka tirsanayaan maamulka Axmed Madoobe,  waxay sheegeen inay jiraan tacadiyo kale oo qayb ka ah dacwadooda, kuwaas oo ay ka tirsanayaan maamulkii ay ka tirsanaa jireen ee madaxweyne Axmed Madoobe.