Waa maxay boqolaalka qof ee maalin walba basaska lagu geeyo xafiiska Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Subax walba boqolaal qof ayaa Basaska ciidanka Milatariga Soomaaliya lagu geeyaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kalsooni darrada amni ee dalka ka jirta ayaa sabab u noqotay in ay Xukuumadda weyso qof ay aaminto waxaana hada soo baxay qorshe cusub oo shalay iyo maanta ka socda Muqdisho.

Sidii ay Caasimada Online hore u baahisay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka socda tirakoobka shaqaalaha. Shaqaalaha ayaa si caadi ah u tagi jiray xafiiska Kheyre waxaana lagu baari jiray Xafiiskiisa Banaankiisa oo kaliya balse hada waxaa la bilaabay qorshe kale.

Shaqaalaha Wasaaradaha ee ku qoran diiwaan gelinta ayaa lagu amray in ay subaxdii ka hor 8:00 am isugu yimaadaan xafiiska shaqaalaha rayidka oo ku yaalla guriga hooyooyinka, waxaana halkaasi looga qaadaa Basaska Milateriga iyagoo aad loogu baarayo hooyooyinka ka hor inta aysan gelin Basaska.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in qofkii loo waco ee soo xaadiri waayo aroortii hore si hubin amni uu u maro ka hor inta aan la geynin xafiiska Kheyre ay xukuumadda ka tashan doonto liiska shaqaalahana laga saari doono.

Dalka waxa uu u muuqdaa in ay ka dhamaatay kalsoonidii amniga oo la la’yahay 5 qof oo meel kuwada nool oo is aaminta, markii laga hadlayo xafiisyada dowladana kuma sii jirto waxaana sii dhamaanaya kalsoonidii yareed ee jirtay ee dhanka amaanka.