Swan oo gaaray Kismaayo iyo wada-hadallo laga dhex billaabay DF iyo Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ayaa haatan kulan xasaasi ah la leh madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in diirada lagu saarayo xalinta khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland.

Ujeedka safarka James Swan ayaa ah sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac, loona dhameyn lahaa khilaafkii ka dhashay doorashadii maamulkaasi.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo ay dooneyso inay isugu keento dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo dowladda Federaalka oo la qorsheynayo in dhowaan wada hadalo rasmi ah bilowdaan.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona inta badan la xiray, ciidamana la soo dhoobay waddooyinka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga natiijada ka soo bixi doonta kulankaan oo ku soo aadaya, iyadoo uu shalay madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabtay gudaha magaaladaasi, kadib markii uu ka soo laabtay safar qaatay todobaadyo, kaas oo uu ku joogay dalka Kenya.

Xiisada dowladda iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysatay, iyadoona xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo ku biiray dowladda ay ku sugan yihiin Muqdisho, kuwaas oo ka wada kulamo siyaasadeed.