Soomaaliya waxay mar kale taagan tahay isgoys taariikhi ah—mid xambaarsan rajo horumar, midnimo, iyo dib-u-habeyn dimuoraadi ah oo muddo dheer la haminayey. Baaqii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan ku dhawaaqay, oo ahaa in Muqdisho lagu qabto shir qaran oo loo dhan yahay, wuxuu dhigay bog cusub oo muhiim ah oo ku saabsan safarka siyaasadeed ee Soomaaliya. Ujeeddada saldhigga u ah hindisahan waa mid geesinimo leh: in la hirgeliyo nidaamka “hal qof, hal cod” si ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed dib ugu helaan awooddii ay ku dooran lahaayeen hoggaankooda, kaddib tobannaan sano oo siyaasadda ay xukumayeen nidaamyo qabaa’il iyo awood qaybsi lagu heshiiyey.
Bilowgii, hoggaamiyeyaal badan oo mucaarad ah ayaa si diirran u soo dhaweeyay hindisaha madaxweynaha—taas oo ahayd astaan muujinaysay rajo laga qabo in dalka u gudbo marxalad wadahadal miro dhal ah. Balse rajadaas waxay noqotay mid cimri gaaban. Dhowr maalmood gudahood, qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu horreeyay ee taageeray hindisaha ayaa ka laabtay, diidayna inay ka qaybgalaan madashii furneyd ee loogu talagalay in lagu xalliyo welwelkooda siyaasadeed ee muddo dheer ay ka cabanayeen.
Su’aal la xiriirta mas’uuliyadda siyaasadeed?
Isbeddelkaas lama filaanka ah wuxuu keenayaa su’aalo culus: Haddii aysan hadda suurtagal ahayn, goorma ayay noqon doontaa? Haddii aan wadahadalka lagu xallin, sidee kale?
Muddo tobannaan sano ah, Soomaaliya waxay ku shaqaynaysay nidaamka 4.5 ee ku saleysan qabiilka, halkaas oo odayaal iyo kooxo siyaasadeed gaar ah ay si qarsoodi ah u magacaabi jireen xildhibaannada. Inkastoo nidaamkani uu gacan ka gaystay ilaalinta xasillooni dhismeed, haddana wuxuu hor istaagay kobaca dimoqraadiyadeed. Hadda oo dalka u jeestay dhanka cod-bixin dadweyne oo guud, xitaa haddii ay dhaliil leedahay, tallaabadaasi waxay ka turjumaysaa rabitaanka sii kordhaya ee shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan in ay si toos ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda.
Dabcan, tallaabooyinka uu qaaday madaxweynuhu—sida ansixinta dastuurka ku-meelgaarka ah ee wax laga beddelay iyo magacaabista Guddiga Doorashooyinka Qaranka—waxay kicisay cabashooyin. Qaar ayaa ku doodaya in arrimahan lagu dhaqaaqay iyadoo aan lala tashan dowlad-goboleedyada iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah. Cabashooyinkaas waa sharci, waxaana mudan in si furan looga doodo. Laakiin maxay tahay madasha ka wanaagsan in lagaga doodo arrimahaas, haddii aysan ahayn shir qaran oo shacabka hortiisa ah?
Qeexidda sharciyadda mucaaradka
Iyadoo uu shirkii Muqdisho socday, arrin kale oo muran dhalisay ayaa soo baxday: qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ka baaqday shirka waxay ku tilmaameen saaxiibadoodii hore—kuwa shirka ka qaybgalay—in aysan ahayn sharciyad. Waxay sheegeen in kuwa la fariistay madaxweynaha aysan ahayn daneeyayaal siyaasadeed oo sharci ah. Tani waxay keeneysaa su’aalo degdeg ah: Yaa go’aamiya cidda daneeyaha ka ah geedi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya? Yaa siiyay dad gaar ah xuquuq gaar ah oo ay mucaaradka ugu matalaan?
Arrintani waa mid gaar ahaan walaac abuureysa sababtoo ah qaar badan oo kamid ah xubnaha ka qayb-galay shirka ayaa horay u garab taagnaa dadka hadda dhaleecaynaya—kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwii isugu yimid kulankii Hotel Jazeera oo ay kasoo qayb galeen madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaashii hore iyo musharraxiintii dhawaan tartanka ka qayb-galay.
Haddii shaqsiyaadkan loo aqoonsaday inay yihiin daneeyayaal muhiim ah markii ay ka qayb galeen kulankii Hotel Jazeera, maxay tahay sababta hadda qaar ka mid ah loogu diidayo xaqnimadooda oo ay ku waayeen kaliya inay doorteen wadahadal halkii ay go’doomin lahaayeen?
Kala-soocidda noocan ahi waxay dhaawac ku tahay midnimada mucaaradka, waxaana ay sidoo kale wiiqaysaa mabda’a aasaasiga ah ee siyaasadda isku-duubnida badan. Hoggaan dhab ah wuxuu soo dhoweyaa xeeladaha iyo dooddaha kala duwan; uma isticmaalo xaqnimada siyaasadeed si hub ahaan loogu dagaallamo.
Arrinta muhiimka ah ee laga hadlayaa waa su’aashan: Yaa si fiican ugu habboon inuu la xisaabtamo madaxweynaha—kuwa qolka gudihiisa jooga ee tooska ula hadlayaa, mise kuwa bannaanka ka daawanaya?
Haddii qaar ka shakisan yihiin in madaxweynuhu qorshe doorasho oo qarsoon ku daboolayo magaca doorasho dadweyne, habka ugu fiican ee looga hortegi karo waa in toos loo wajaho, lagula xisaabtamo, isla markaana lagu soo bandhigo fagaaraha wadahadalka—ma aha in la qaadaco goobta ay go’aannadu ka dhacayaan.
Wadahadalka ma ahan is-dhiibid
Waxaa muuqata in qaar kamid ah mucaaradku ay isku qasayaan wadahadalka iyo is-dhiibitaanka. Laakiin ka qaybgalka wadahadalka macnihiisu ma aha inaad taageertay go’aammada dowladda—ee waa inaad booskaaga miiska ka qaadato, codkaagana u isticmaasho inaad saamayn ku yeelato natiijada. Marka ay wadahadalka isaga baxaan, hoggaamiyayaasha qaarkood ee mucaaradku waxay luminayaan saamayntooda, mana xoojinayaan.
Maqnaashahoodu wuxuu sii muuqanayaa marka la eego xubno kale oo mucaarad ah—kuwaas oo geesi ah isla markaana siyaasad ahaan qaangaaray—kuwaas oo fadhiyay hoolka shirarka ee Muqdisho, si toos ahna ula hadlay madaxweynaha, isla markaana soo bandhigay aragtidooda mustaqbalka Soomaaliya. Dadkani waxay fahmeen in mucaarad dhab ah ay tahay in xalal kale la keeno, mana aha in wadahadalka laga fogaado.
Sida Nelson Mandela mar uu yiri: “Haddii aad rabto inaad nabad la samayso cadowgaaga, waa inaad la shaqaysaa cadowgaaga, dabadeed wuxuu noqonayaa saaxiibkaaga.” Soomaaliya uma baahna cadow badan, waxay u baahan tahay shuraako dalka dhisa.
Dadka Soomaaliyeed way la socdaan
Yaan la yaraysan heerka wacyiga siyaasadeed ee uu gaaray shacabka Soomaaliyeed. Kaddib sannado dagaal, barakac iyo ka saarid siyaasadeed, hadda waxay doonayaan in ay cod ku yeeshaan mustaqbalkooda. Cod-bixintu uma aha oo keliya fal siyaasadeed—ee waa astaan muujinaysa sharaf, ka mid ahaansho iyo rajo.
Iyadoo la diidayo wadahadalka, hoggaamiyeyaasha mucaarad ah ayaa shacabka ka diidaya fursadda ay ku arki lahaayeen mas’uuliyad siyaasadeed oo ficil ahaan u dhacaysa. Soomaaliya waxay u baahan tahay geedi socod hufan, halkaas oo hoggaamiyayaasha si furan loogu xisaabtami karo—ma aha oo keliya shir jaraa’id iyo qoraallo baraha bulshada lagu soo bandhigo.
Sida ay Soomaalidu ku maahmaahdo: “Nin aan talin jirin, tuug baa u talin jirtay.”
Dadka Soomaaliyeed waxay doonayaan inay soo ceshtaan xaqooda ah inay go’aamiyaan—doorasho, diidmo iyo inay dalbadaan wax ka fiican.
Hoggaamiyayaasha isaga baxa nidaamkan waxay halis ugu jiraan inay ka harayaan dadkii ay sheeganayeen inay matalaan. Diidistoodu waxay sidoo kale diraysaa fariin dhaawac leh: taasoo ah inay wali door-bidayaan geeddi-socodka shisheeye ee Xalane halkii ay ka doorbidi lahaayeen wadahadal Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabto—oo fool-ka-fool loola kulmayo madaxweynaha iyo shacabka, kuna dhacaya si xor ah, oo aan cadaadis ama dhex-dhexaadin shisheeye ku jirin.
Aragtidan waxay muujinaysaa ku tiirsanaan joogto ah oo ku saabsan faragelinta shisheeye iyo kalsooni darro ka muuqata awoodda dadka Soomaaliyeed inay arrimahooda xalliyaan. Halkii ay ka faa’iideysan lahaayeen fursaddan ay miiska ku fariisan lahaayeen, waxay dib u dhigayaan xal dhab ah oo Soomaaliyeed—waxayna ku dheggan yihiin nidaam hore oo ku dhisan kaalmada dibadda, howlgalka Qaramada Midoobay, iyo ilaalinta Cutubka Toddobaad oo ah nidaamkii siyaasiyiinta loogu quudin jiray siyaasadda, waxaana laguna curyaamin jiray hal-abuurka Soomaalida.
Gunaanad
Dimoqraadiyadda laguma dhiso hal maalin, cidina kama filayso in Soomaaliya ay si fudud uga gudubto arrimahan. Laakiin inaad ka baxdo goobta ay yaalliin fursadaha isbeddelka—iyadoo xubno kale oo dhinacaaga ah ay doorteen inay sii joogaan oo u dagaallamaan xuquuqda shacabka—ma aha xeelad siyaasadeed, waa is-dhiibid siyaasadeed.
Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiranyahay hoggaamiyeyaal yimaada, codkooda soo bandhiga, oo u istaaga horumarka. Su’aashuna waxay tahay: yaa lagu xusuusan doonaa inuu qayb ka ahaa mustaqbalkaas?
Waxaa English ku qoray Mohamed Dhugad, waxaa tarjumay bahda Caasimada Online
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.