Muddo intee la’eg ayey qaadaneysaa dhameystirka howlaha dastuurka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay mudada lagu soo afmeeri doono dastuurka dalka.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay wado qorsho lagu dadajinaayo Dastuurka dalka oo uu sheegay in weli uu ku socdo dhameystir.

Wasiir Xoosh waxa uu sheegay in culeyska ay saarayaan wadatashiyo ballaaran oo la la yeesho shacabka Soomaaliyeed.

Xoosh ayaa farta ku goday in shacabka kadib ay xooga saari doonaan la tashiga Maamul Goboleedyada dalka si buu yiri looga hortago khilaaf ka dhasha Dastuurka.

Sidoo kale, wasiir Xoosh ayaa cadeeyay in qorshaha u degan xukuumada ay tahay in lagu soo afjaro muddo 2 sano gudaheeda.

Haddalka Xoosh ayaa kusoo beegmaaya xili Wasaaradu ay wado dadaal lagu hormarinaayo howlaha Dastuurka, waxaana xusid mudan in Wasaaradu ay wado latashiyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com