Mukhtaar Roobow oo laga soo dejiyey MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobwo Abu Mansuur ayaa goor dhow laga soo dejiyey garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Roobow oo maanta gelinkii hore lagu xiray magaalada Baydhaba ayaa waxaa garoonka kasoo dejisay diyaarad ay leedahay shirkadda African Express, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan garoonka.

Waxaa Roobow la socday oo Baydhabo kasoo kaxeeyey ciidamo aad u badan oo kuwa dowladda Soomaaliya ah, sida aan xogta ku helnay.

Roobow ayaa kadib lagu qaaday baabuur qafilan, waxaana la wareegay ciidamada NISA, lamana yaqaan ilaa hadda halka la geeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in halkaas ay ku dhamaatay musharaxnimadii Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com