27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Munaasabadda daahfurka Madasha Somali Business oo ka dhacday Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho looga daahfuray Madasha Somali Business, oo ah madal bixineysa xog sugan oo isugu jirta: warbixinno lagu falanqeynayo fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, saadaalinno ku saabsan isbeddellada suuqa iyo kobaca dhaqaalaha, daraasado la xiriira jihada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo warbixinno lagu lafagurayo dhaqaalaha dalka.

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhanka dhaqaalaha ah, qeybaha waxbarashada, dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo daneeya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Aasaasaha ahna Maamulaha Madasha Somali Business, Dr. Abdinor Dahir, ayaa ugu horreyn xafladda daahfurka kusoo dhoweeyay martida. Wuxuu xusay muhiimadda ay Somali Business u leedahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sababaha keentay aasaasitaanka madasha, oo ugu horreyn ahayd sidii loo heli lahaa xog habaysan oo sugan oo lagu go’aan qaadan karo.

Waxaa sidoo kale xafladda laga jeediyay qudbadooyin kala duwan, kuwaas oo lagu bogaadiyay laguna soo dhoweeyay furitaanka Madasha Somali Business.

Martida ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Hon. Mohamud Abdirahman Beenebeene; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdiqafar Hange; Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dhaqaalaha ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Hassan Adam Hosow; Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Dr. Ahmed Khadar A. Jama; Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe, Dr. Ali Yasin Sheikh; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Abdirahman Yusuf Al-Adala; iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan Galanbi, iyo marti sharaf kale.

Madashan ayaa la filayaa in ay noqoto isha koowaad ee laga helo xogaha maalgashi ee dalka, saadaasha suuqa, falanqaynta dhaqaalaha, iyo daraasadaha ganacsiga, iyadoo si gaar ah loogu tala galay in ay ka faa’iideystaan ganacsatada, dhalinyarada hal-abuurka leh, iyo hay’adaha dowladda.

Dhammaan ka qaybgalayaashii xafladda ayaa si weyn usoo dhaweeyay madashan cusub, iyagoo muujiyay baahida loo qabo in xogaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya la habeeyo, lana helo meel isku keenta xogtaas oo si joogto ah looga heli karo.

- Advertisement -

Read more

Local News