Muqdisho: 3 arrin oo la sababeeyay hoos u dhaca sarifka dollar-ka

Muqdisho (Caasimada Online) Waa maalmahan si wayn looga dareemay magaalada Muqdisho hoos u dhac ballaaran oo ku yimid qiimaha lagu sarifo dollarka Maraykanka.

Arrintaas ayaa waxa ay keentay hadal hayn ballaaran,oo dadka ay siyaabo kale duwan u fasireen.

Tusaale, halkii dollar ayaa suuqyada magaalada Muqdisho iyo meelaha kale wuxuu maanta ka maraayay 19-kun oo Shilling Somali ah, halka uu kal hore ka ahaa 22-kun.

Haddaba qaar ka mid ah wariyaasha shabadda Caasimada Online ayaa soo maaray suuqyada Muqdisho waxana ay la hadleen dad-yow kala duwan.

Waxa ay dadka aan la hadalnay ay sheegayaan in isbadalka ku yimid dollarka loo sabeeyay dhowr siyaabood.

1- Waa mar Maraykanka ayaa aqoonsaday dowladda Soomaaliya taasoo keentay in lacago badan oo dollar ah magaalda ay soo gasho.
2-Waxa kaloo jira lacago badan oo magaalada ay soo galiyeen dad qurba joog ah oo magaalada iska soo buuxiyay.
3- Iyo Dad kale oo leh dhibka oo dhan waxa asal u ah ganacsatada Soomaaliya, kuwaasoo suuqa ku soo faraqay ama soo galiyay lacago badan oo dollar.

Si kastaba, isbadalkaas ballaaran ee ku yimid dollarka waxa uusan haba yaratee saameen ku yeelan qiimaha lagu iibiyo Quutul daruuriga ama maciishada oo halkeeda joogta ama meelaha qaar wax lagu darayba.

Laakin waxa iyana hoos u dhacay Sonkorta oo hal koolo ka joogta 16-kun oo Shilling Soomaali ah waxana horrey loo iibin jiray hal dollar ama 22-kun.

Qiima dhaca ku yimid dollarka wuxuu muran wayn ka dhex abuuray bulshadda, kuwaasoo meelaha qaar uu is-maan dhaaf iyo muran uu ka dhaco.

Ma ahan arrintan wax ku cusub magaalada Muqdisho tan wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladii ugu dambeesay sannadkii 1991-dii.

Dadka arrimahan la socda waxay ay lee yihiin waa iyadoo dalka uusan ka jirin hey’ad ama xarun jaan-goyn ku sameesa sarifka lacagaha dalka,isbadal kasta oo yimaada.

Soomaaliya markii dowladii dhexe meesha ay ka baxday, waxa lacagta ugu yer 1000 Sh. So. waxana ugu wayn kun shillin Somali ah.

Meelaha qaar marka aad wax ka iibsaneyso waxa lagu lee yahay lacag dollar ma rabno ee shilling Soomaali ma heysaa, taasoo ka badal halkii horrey wax lagu iibin jiray dollarka.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho