Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac,
Shilka ayaa ka dambeeyay kadib markii gaari Homey ah uu hoosta ka galay gaari kale oo Soomaalida u taqaan “ISJIID”. waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dadka la socday gaariga Homey-da.
Ku dhawaad 9 ruux ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen shilkaasi ka dhacay agagaarka deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabeelaha Hoose, halka inka badanna ay ku dhaawacmeen.
Qof haweenay ah oo kamid ah dadka ku sugan goobta Shilka u ka dhacay ayaa Caasimada Online, u sheegtay in dadka dhintay iyo ku dhaawacmay ay ku jiren gaariga Hoomeyda.
“Sagaal ayaa dhimatay toban ayaa ku dhaawacmay, Inataree ayaa dardaray Hoomeey oo kusii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose”ayay tiri haweeneyda nala hadashay.
Waxaa wali la sheegayaa in gaariga Hoomeyda uu ku hoos jiro gaariga kale, iyadoo ay socdaan dadaalo dadkaasi wax loogu qabanayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

