Ugaarsi lagu hayo macallimiinta dugsi..

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeysan xalay magaalada ay ku weerareen Macalin dugsi.

Weerarka macalinka lagu qaaday ayaa ka dhacay xaafada Nuur Xawaad oo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana la weeraray macalinka xili uu kasoo baxay masjid ku yaala magaalada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online, ayaa u sheegay in macalinka dhaawac uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen kooxaha hubeysan.

Waxaa dhaawaciisa la dhigay xarun caafimaad oo ku taala magaalada sida dadka deegaanka ay inoo xaqiiyeen, waxaana la sheegayaa in xaaladiisa ay so wanaagsaneyso, laakiin markii dambe uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaasi ciidamo gaar ah ay weerar ku qaadeen guri uu ka degenaa magaalada iyada oo doonayay iney gacanta ku dhigaan.

Macalin Cabdulaahi oo muddo deganaa magaalada ayaa la sheegay inuu ka baxsaday gacanta ciidamadii doonayay iney nolasha ku qabtaan, waxaana saraakiisha amaanka ee Buuhoodle ay sheegeen iney garaneynin ujeedada ciidamada ka lahaayeen wadaadkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay iney kasoo talaabeen dhanka xuduuda Ethiopia ee duleedka Buuhoodle, sida uu sheegay sarkaal u hadlay maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com