Muqdisho: Diyaarad sidda ciidmo qalabaysan oo ka imaaneysa Kismaayo 

Kismaayo (Caasimada Online) – Ku-dhowaad boqol kamid ah Ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa lagu wadaa in dhawaan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho waxayna ka soo hor mari doonaan Madaxweyne Axmed Madoobe oo Muqdisho ku soo wajahan.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dhowaan imaanayo magaalada Muqdisho si loo dhameestiro heshiiskii Kismaayo ay ku gaareen DF-ka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, islamarkaana ay kulan u qaatay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kadib laga qayb gali doono shirka lagu wado in uu ka dhaco Garowe.

Diyaarad gaar ah ayaa la sheegay in ay Kismaayo ka soo qaadi doonto Ciidamadaasi oo ah kuwii dhowaan Axmed Madoobe u raacay caleema-saarka Madaxweyne Deni, waxaana la dejin doonaa dhabarka dambe ee Villa Somalia halakas oo ay dagan yihiin Senataro ka soo jeeda Jubbaland kuwaas oo gurigooda ku marti gelin doona Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa markii hore Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo qaadi jiray islamarkaana ilaalin jiray Ciidaamda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, iyadoo warar aan la xaqiijin ayaa sheegayaan in uu dagi jiray Taliska NISA ee habar-qadiijo guryo ku dhax-yaalla balse hada uu doonayo Villa Somalia.

Arintaan ayaa muujineysa in ay jirto Kalsooni darro u dhaxeysa hogaanka Maamulka Jubbaland iyo Madaxda DF-ka Soomaaliya kuwaas oo muddo kabadan hal-sano uu ka dhax oognaa khilaaf siyaasadeed oo aad u adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com