Caasimadda Online (Muqdisho) – Ganacsada Suuqa Digaaga, oo ah Suuq-yare ku yaalla Bakaaraha ayaa saakay isugu soo baxay, goob barxad ah, oo ay hore ugu ganacsan jireen, ka hor inta uusan dabkii ugu dambeeyey muddo laga joogo laba bilood ka kicin Suuq-weynaha Bakaaro.
Ujeedka isku soo baxooda ayaa wuxuu ahaa, inay baaq u diraan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka cabanaya wax ay ku tilmaameen handadaad sharci darro ah iyo boob dhul suuq ah, oo uga imaaneysa maamulka Gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ganacsatadaan danyarta ah wuxuu siiyey digniin kama dambeys ah oo ku aadan in aysan dhisan karin suuq-yaraha digaaga, ka dib gubashadiisii, maamulka ayaana ku wargeliyey ganacsatada suuqaan, inuu dhul uu leeyahay Maxamuud Cali Ugaas – oo ah nin ay isku dhow yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisoow.
Si kastaba ahaatee, ganacsatadaan danyarta ah, oo suuqaan ku ganacsanayey nus-qarnigii ugu dambeeyey ayaa ugu baaqay Madaxda Sarre ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay arrintaan soo farageliyaan, maadaama laga xoogayo dhul ay xaq u leeyihiin, sida ay hadalka u dhigeen.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa inay naga soo gaarto, bugcaddaan waxaa nagu heysta Guddoomiye Yariisoow oo aan ka dhisan la’nahay suuqii naga gubtay,” ayey tiri Khadiijo Axmed Abtidoon, oo sheegtay inay dhulkeeda suuq-yarahaan ka dhaxashay hooyadeed, oo horay ugu ganacsan jirtay.
“Waxaan heysannaa warqadihii inoo xaqiijinayey lahaanshiyaha dhulkaan oo nala siiyey 16kii bishii November 2014kii”. Ayey hadalkeeda ku dartay hooyo Khadiijo.
Suuq-yaraahaan waxaa lagu gadi jiray caanaha, digaaga, ukunta iyo khudaarta, waxaana quutul-yoomkooda ka dhacsan jiray ganacsato danyar ah.
Caasimadda Online
Xafiiska Moqdisho
[email protected]