Muqdisho: Machad ka shaqayn doona arrimaha siyaasadda oo la furay

Muqidsho (Caasimada Online) Waxa magaalada Muqdisho laga furay machad ka shaqeyn doona arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siddii xal loogu heli Soomaaliya oo 21-sano dagaalo ku jiray.

Waxaana masuuliyiinta machadkan ay ka sheegeen furinra xaflad ka dhacday Muqdisho in mahadka uu sameen doono daraasaad iyo falanqayn lagu darsi doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sida Soomaaliya xal loogu heli karo.

hips (1)Cabdi Raxmaan Ceynte oo ah madaxa Machadka The Heritage, isla markaana ah suxufi ka soo shaqeeyay BBC-da, VOA iyo TV-ga Al-Jazeera qaybta English-ka oo xafladda furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in machadkan uu soo saari doono warbixinno ku fadhiya cilmibaaris, isla markaa uu qaban doono dood cilmiyeedyo iyo wacyi galin,

Wuxu kaloo sheegay in Machadku uu talooyin la ka siin doono sida ku haboon ee dalka xal loogu heli karo dhinacyada go’aanka iska leh.

hips (2)Mr. Ceynte ayaa sheegay in machadkan dadka ku jira ay dhamaantood hadda ay ku sugan yihiin Soomaaliya, laakin ay jiraan Profisooro Soomaalia ah oo ku sugan waddamada caalamka oo gacan ka geesan doono wax yaabaha uu soo bandhigi doono machadka.

Machadkan ayaa waxa ku jira dad xilal horrey uga soo qabtay dowladihii ku-meel-gaarka waxana ka mid ah xaaska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Caasho Xaaji Cilmi iyo dad horrey uga soo shaqeeyay warbaahinta.

hips (3)Waa machadkii ugu horreeyay ee noociisa oo kale laga furo magaalada Muqdisho oo hadda ay ku soo qulqulayaan dad badan oo wax ku soo bartay qurbaha.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho