Muqdisho (Casimada online) Degmada C/casiis eee gobolka banaadir Sida wararku ay shegeeyaan waxaa ka dhacday arin aad u naxdin iyo xanuun badan kadib markii Hooyo Soomaayeed ay goweracday canug ay iyadu dhashay.
Hooyadan aya sida la tuhun san yahay ah mid madaxa looga jiro waxaana dadka deeganku ay warbahinta u sheegeen inay gowrac kala tilaabstay gabar yar oo ay iyadu dhashay taasi oo noqonto mid amakaak ku abuurtay dadka shacabka ah .
Shlay ayaa si rasmi ah loo ogaaday dhacdadan inkasto dadka deeganku ay shegayaan in mudo seddex maalin ka hor ah inay gowracday gabadha yar, waxaana ay sheegeen inay ku ogaadeen kadib markii ay dareemeen qurun dhanka guriga haweeneydaas ka yimid.
Dadka deeganka ayaa sheegay inay haweeneydaas u sheegtay ama sabab ay uga dhigtay in gabadhaas markii hore uu madax xanuunay si ay u daweysana ay u gowracday , taasi oo dadka fajac kusii abuurtay .
Halkaan ka Dhageyso Dhacdada sida ay u dhacday
Ciidamada degmada cabdi casiis ayaa gaaray goobta waxaana ay kasoo badbaadiyeen ilmo kale oo ay dhashay si aaneyn mar kale arintan oo kale u sameyn , waxaana xaalka hooyadaas iyo ilmaha ay dhashay la wareegay ciidamada amaanka degmadaas.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho