Ciidamada DF oo iska dilay taliye sare

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa xaley magaalada Muqdisho ku geeriyooday taliyihii guudata labaad ee ciidamada millitariga Soomaaliya Cali Guure Afdhuub.

Taliyaha oo ku dhintay Isbitaalka Xallane ee AMISOM, ayaa dhawaan ku dhaawacmay xabado ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo u tiilay Isbaaro.

Ma jirto cid loo soo qabtay dhaawaca taliyaha, waxaana la sheegayaa in arrintaas ay keentay cabsi iyo in shaqooyinka ay ka dhuuntaan saraakiisha ciidamada.

Ma ahan markii ugu horreysay oo sarkaal sare oo ka tirsan dowladda uu u dhinto dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen ciidamada dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horaantii sannadkan amray in dhammaan Isbaarooyika yaalla magaalada Muqidsho  iyo qaar ka mid ah la qaado balse waxaa weli jirra kuwa weli yaalla oo halkaas looga qaado lacago baad ah

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho