Muqdisho oo lagu arkaayo ciidan cusub oo si aad u hubeysan.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ka dhacdo ololaha doorasho, ayaa waxaa iminka inta badan magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u Hubeysan oo qeyb ka ah Hay’adaha amaanka DFS.

Ciidamadaani oo qeyb ka ah Kumaandooska, Danab iyo Alpha Group ayaa waxaa la sheegayaa inay qeyb ka noqon doonaan kuwa sugi doona amniga goobaha doorashada.

Ciidamada ku cusub magaalada Muqdisho ee ka kala tirsan Kumaandooska iyo Danab ayaa waxaa laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo inta badan Saldhigyo ku leh duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani iminka soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la sheegay in iminka lagu kala qoraayo Isgooysyada magaalada Muqdisho maadaama ay fooda nagu soo heyso xiliga doorashada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa saansaan doorasho, inkastoo aysan wali bilaaban ololihii musharaxiinta dalka.

Tani ayaa waxa ay muujineysaa inaanu dib u dhac ku imaan doonin xiliga doorashada ee dhawaan qabsadeen Guddiga doorashooyinka dadban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com