Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Ciidamada DF Somalia, ayaa sheegaya in maalmaha ugu horreeya ee toddobaadka soo socda Magaalada Muqdisho ay gali doonto bandow.
Wararka ayaa tilmaamaya in arrintaani ay tahay mid salka ku heysa imaanshaha Madaxweynaha Dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan iyo sidoo kale shirka IGAD ee berri ka dhacaya Muqdisho.
Dowladda ayaa horey u shaacisay in shirka wasiirada arrimaha dibedda IGAD uu berri ka dhici doono magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha qaranka iyo Siyaasiyiinta uu ka talo qaato ayaa bixiyay amarkaasi, iyadoona la filaayo in la mamnuuco dhamaan isu socodka Gaadiidka iyo dadka ee inta badan jidadka muhiimka ah iyo xaafadaha ku dhow Villa Somalia..
Laamaha amaanka ayaa lagu amray inay jaraan wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Makka Al-mukarama oo iyagu halboole u ah wadooyinka magaalada.
Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho weli ku sugan Wufuud heer sare ah oo ka socda Midowga Africa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

