Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Wufuud ka kala socta dalalka ku bahoobay IGAD kuwaasi oo la filaayo in maalinta bari ah uu shir uga furmi doono Magaalada Muqdisho.
Wafdigaani ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibada Djibouti, Kenya, Ethiopia, South Suda, Sudan, Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin iyo Dwladaha kale.
Wafdigaani oo dhammaan maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wadaa in Caawa Xarunta Madaxtooyada Somalia loogu qabto Munaasabad soo dhaweyn ah, iyadoo ay ka soo qaybgeli doonaan fanaaniinta iyo majaajiliistayaasha degan Magaalada Muqdisho.
Wasiirada ka socda wadamada IGAD ayaa waxaa maalinta Bari ”Sabti” shirka 53-aad uga furmi doona Hotel S.Y.L oo dhawaan dib looga furay Magaalada Muqdisho oo ku yaala agagaarka Villa Somalia.
Dhanka kale, Ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana iska kaashanaaya Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]