Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Talaado ah la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi sare oo ka socda xiriirrada kubadda cagta adduunka iyo Afrika, kuwaas oo kala ah FIFA iyo CAF.
Wafdigan ayaa ah mid muhiim u ah xiriirka ciyaaraha ee Soomaaliya, iyadoo safarkoodu uu xambaarsan yahay fariin muujinaysa taageero iyo dhiirrigelin loogu talagalay horumarka ciyaaraha dalka.
Wafdiga la filayo ayaa waxaa qeyb ka ah halyeeyo caan ah oo magac weyn ku leh kubadda cagta Qaaradda Afrika, sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha. Halyeeyadan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiriirka wanaagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururrada caalamiga ah ee ciyaaraha.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed — muxaafid iyo mucaaradba — in ay si mideysan u soo xaadiraan garoonka Muqdisho Stadium, si ay u muujiyaan taageeradooda iyo soo dhoweyntooda wafdigan heerka caalami ah.
Halyeeyada Afrikaanka ah ayaa lagu wadaa in ay kulan saaxiibtinimo ku ciyaaraan garoonka Muqdisho Stadium, halkaas oo ay kula dheeli doonaan xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya iyo ciyaartoy ajaanib ah oo ka tirsan kooxaha ka ciyaara horyaalka gudaha dalka. Kulankan ayaa ah mid taariikhi ah oo dhif iyo naadir ah in uu ka dhaco gudaha Soomaaliya.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankan uu yahay calaamad muujinaysa soo kabashada dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Waxay sidoo kale xuseen in ay tani tahay fursad lagu soo celinayo kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan qabashada tartamada heer caalami ee gudaha Soomaaliya.
Saaka ayaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaargarow ballaaran oo ku aaddan soo dhaweynta halyeeyadan caanka ah. Waddooyinka muhiimka ah iyo agagaarka garoonka Muqdisho Stadium ayaa si gaar ah loo adkeeyay ammaankooda, iyadoo la filayo in shacabka ay si weyn u soo xaadiraan munaasabaddaas taariikhiga ah.

