29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Muqdisho oo yeelaneysa buundooyin casri ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdiso (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda mashaariicyo horumarineed waa wayn oo kamid yihiin hirgelinta buundooyin cusub, biyo-mareeno casri ah, iyo nidaamyo bullaacado oo waara.

Qorshahan ayaa waxaa hormuud u ah maamulka gobolka Banaadir ee uu horkacayo guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta kormeer ku tegay halka la rabo in laga dhiso buundooyinka cusub oo ay xilligan u baahan tahay caasimada Muqdisho.

Muungaab oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta gobolka iyo shirkadaha qaabilsan dhismaha waddooyinka ayaa maanta soo indha-indheeyay mashaariicda socota, gaar ahaan mashruuca dhismaha waddada Dabka, oo ay ku jiraan buundooyin cusub, biyo-mareeno loo dhisayo hab casri ah, si looga hortago in mar kale ay go’do waddada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha.

Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa kormeeray Warta Siigaale, oo ah biyo-qabadka ugu weyn ee Muqdisho iyo wadada 26-ka June ee Shaqaalaha halkaas oo ay ka socdaan dhismaha waddooyinka iyo buundooyinka kale oo casri ah, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Kormeerka ayaa sidoo kale gaaray waddada dheer ee isku xirta degmada Kaxda, ilaa Gobolka Shabeellada Hoose, oo sidoo kale dhismo laami uu ka socda, wuxuuna guddoomiyuhu faray in dhammaan dhismaha waddooyinka la dadajiyo, si shacabka loogu fududeeyo isku socodka.

Inta lagu guda jiray kormeerka Injinneerada Shirkadaha maamulaya dhismaha waddooyinka, biyo-mareennada iyo buundoonyinka, ayaa warbixin rasmi ah oo ku saabsan horumarka shaqada la wadaagay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr  Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Ujeedka ugu wayn ee booqashadan ayaa ahaa hubinta hannaanka dhismaha, xaqiijinta waddooyin waara, tayo sare leh, isla markaana leh biyo-mareeno iyo nidaamyo bullaacado casri ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska duqa magaalada Muqdisho.

“Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaa ka go’an in mashaariicda dhismaha waddooyinka ay ka tarjumaan yoolka maamulka ee horumarinta kaabayaasha magaalada iyo hagaajinta tayada nolosha shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) wuxuu lasoo baxay dardar xooggan oo muuqda, isaga oo wax badan qabtay dhibaatooyinkii ay qabeen shacabka oo ay ugu horreeyaan hagaajinta waddooyinka, nadaafadda iyo horumarinta caasimada.

- Advertisement -

Read more

Local News