MUQDISHO waxaa weli ciidan ka ah maleeshiyaad

Waxaa laga yaabaa qormadeydaan inaysan ku raaxeysan aqrinteeda dad badan oo dowlada taageero weyn u ah durbana igu dari doonna liiska mucaaradka, iyagoon wax su’aal ama sabab ah is weydiin, hase ahaatee waxaan rajeynayaa qaar badan oo caqli saliim Ilaahey siiyay in ay warbixinteyda wax ka fahmi doonaan.

Markasta waxaa la is weydiiyaa sababta ay weli dowlada ugu suura gali la’adahay in magaalada Muqdisho ay ku soo dabaasho amaan la isku haleyn karo iyadoo dowlada ay bixineyso dadaal aad u balaaran si loo sugo amniga tiiyoo ay jirto in ciidanka dowlada tiradooda buux dhaafiyeen magaalada Muqdisho.

Anigoo kaashanaya macluumaad iyo dhacdooyin badan aan hubo xaqiiqdooda inta badan ciidamada ka howl gala magaalada Muqdisho ma ahan ciidanki saxda ahaa ee magaalada Muqdisho nabada u keeni kara sababahan soo socda awgood:

Marka lasoo xulanayo ciidan waxaa laga fiiriyaa dhowr tayo oo ay ka mid tahay heerka waxbarsho, danbi-gelis hore iyo shaqsi muuqaal  iyo maskax ahaan aqbali kara shaqada ciidanka.

Hase ahaatee inta badan ciidanka ka howla gala Muqdisho waa kuwa aan buuxin shuuradahaas, waxaas ka daran taas in lagu soo xulay qaab beeleed mudnaanta koobaadna la siiyay beelo gaar ah, ku darsoo qaarkood waaba ciidamadii hogaamiye kooxeeedyadii magaalada muqdisho ka talin jiray, mid laabadna aan kugu sii daree uma lahan aqoon shuruucda kala gedisan ee ciidmada wallow tababaro kooban la siiyay hadana taas waxba kama bedelin mar hadii heerka waxbarasho aad u liito amaba aysan soo marin, waxaase intaaso dhan ka daran inay yihiin kuwa balwad leh oo isticmaalla waxyaabaha mukhaadaraadka, taaso gebi ahaanba mamnuuc ka ah  qof ciidan loogu tala galay in shacab amaankiisa sugaan, intaas kaliya kuma eka’e waxaa taliye loogu sii dhigaa shaqsi aan weligiis howl ciidan soo qaban laguna keenay nin jecleysi amaba dantiisa gaarka ah ay kala weynta tahay howsha loo xilsaaray, taasoo sababtay inaysan jirin dhibaatooyinka ciidanka geystaan meel loo raacdo.

Arimahaas oo dhan waxay keeneen in ciidanka shaqad loo igmaday ay garan waayeen mar hadii ay buuxin waayeen shuruudihi ciidanka loogu tala galay una dhaqmaan sida maleeshiyaadki hogaamiye kooxeedyadi wadanka soo maray kuwaasoo aan u jixinjixin shacabka, iyagoo kala kulma dil, dhac, madax-furasho, jid-xirid tiiyoo ay jirto in qaarkood ay fududeeyaan qaraxyada ka dhaca magaalada IWM.

Inkastoo ay jiraan qaar yar oo ka mid ciidamada oo ay ka go’antahay inay si daacad u ah u gutaan howshooda amni, hadana waxaa barbar socda kuwa badan aan daacad ka heyn howsha amaba aan aqoon u laheyn shaqada kuwaasoo wiiqay dadaalkooda amni.

Iyadoo  ay xusid mudantahay dowlada federaalak horumarka ay dalka gaarsiisay xaga horumarinta dhaqaalaha, dhisida hey’adaha dowliga, horumarinta xiriirka diblomaasiyada iyo sida weli ugu go’antahay inay horumar gaarsiiyaan dalka, ayaa waxaa muhiim ah in ay xil weyn iska saarto dhisida ciidan tayo iyo aqoon u leh howsha loo igamanayo.

Isku soo wada duub si loo helo amaan iyo nabad waxaa lama huraan ah in la helo ciidan aan lagu soo xulin qaab beeleed, ka maran danbiyo hore, ugu yaraan soo dhaameystay waxbarasho dugsi-dhexe, lana marsiiyay imtixaan shaqsiyadeed si loo ogaado dareenkiisa iyo heerkiisa howlqabad. Hadii arimahaas la dhaqan geliyo waxaan aaminsanahay in guud ahaan wadanka soomaaliya amaankiisa dib usoo laabanayo inta ka horeysase, Baadidaada nin baa kula daydayi daalna kaa badane oo inaad heshana aan dooneyn.

W/Q: Abdinasir Ahmed
Email:Safaanahaji@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid