Muqdisho: 20 qof oo noloshooda ay halis ugu jirto arrin si lama filaan ah….

Muqdisho (Caasimada Online) In ka badan 20-qof ayaa la dhigay Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen.

Cabdi Mahad oo ah afhayeenka ciidanka naafada Soomaaliyeed ee ku jira Isbiala Martiini ayaa u sheegay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, in dadkan ay cabeen caano iyagoo joogay goob amuur ay ka socotay ama Sab oo ku taalla gaudaha Isbitaal Martiini.

Wuxuu sheegay afhayeenka in dhammaan dadkii cabay caanaha ay ku xanuunsadeen, kuwaasoo hadda loola cararay Isbitaalka Martiini oo lagu daweynaayo.

Mar la weydiiyay dadka ku xanuunsaday caanaha sumeesan wuxuu sheegay in dadkaas ay isugu jiraan dad waaweyn iyo carruur.

Qaar kood wuxuu sheegay in xaaladood ay halis tahay.

M ahan markii ugu horeysay oo dad ku xanuunsaday caano sumeesan oo ay cabeen lageeyo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Inta badan waxaa loo aaneeyaa weelka lagu soo shubo caanaha in ay soo raacaan sunta xoolaha, taas ayaan dhakhaatiirta ay sheegaan inta badan ka dhalato xanuunada.

Dad badan ayaa u dhinta kuwa kale xanuuno aan la oqoon ayaa kau dhaca kuwa kale waa ay ka soo kacaan markii ay qaataan dawooyin.

Isbitaalka Martiini wuxuu hooy u yahay ciidankii xoogga ee ku naafoobay dagaalkii ay dalka ku difaacayeen sannadkii 1977-dii.

Dhageyso: Ku Xigeenka Afyeenka Nafafa Isbitlka sibitalka Martiini Cabdulaahi Maxamed Ducaale

Ku Xigeenka Afyeenka Nafafa Isbitlka sibitalka Martiini Cabdulaahi Maxamed Ducaale

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho