Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Shirkadaha ka ganacsada Jaadka, ayaa waxaa lagu sheegay in muddo 5-maalin ah aan dalka Somalia laga soo dajin doonin wax Jaad ah.
Ganacsatada jaadka ayaa go’aan ku gaaray in la hakiyo jaadkii ka iman jiray Kenya, iyagoo dhowr arrimood u sababeeyay.
Waxa ay u sababeeyen inuu jiro hoos u dhac ku imaaday dhaqaalihii kasoo xaroon jiray, islamarkaana lagu kordhiyay lacagihii canshuurta oo ay ka qaadi jirtay DF Somalia.
Go’aanka sida kumeel gaarka ah loogu hakiyay Jaadka ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeelan doono Ciidamada DF Somalia, shaqsiyaadka ka ganacsan jiray iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee isticmaala Jaadka.
Sidoo kale, go’aanka ay ganacsatada ku joojisay jaadka ayaa si dhaqso ah waxaa aragtiyo kala duwan uga dhiibtay dadweynaha Muqdisho, Puntland, Jubaland iyo Gobolo kale, kuwaasoo labo siyaabood uga hadlay qaarkood waxay sheegeen inuu yahay midwanagsan go’aanka,halka kuwo kalana ay u arkan go’aan an qurxooneyn.
Dhanka kale, Joojinta Jaadka ayaa waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin farabadan oo suuragal ah inuu sababo isku dhac dhanka Ciidamada DF iyo dadka shacabka ah, maadaama Ciidamadu yihiin ku aan joogi karin Jaad la’aan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

