Muran ka taagan garoonka Aadan Cadde kadib amar ka soo baxay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran xooggan ayaa ka taagan guraha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Murankaan oo salka ku haya amar kasoo baxay dowladda ayaa waxa uu maalintii afaraad oo xiriir ah hakad galiyay aalab alaabihii Cargo-ga ee ay qaadi jireen diyaaradaha ka duula garoonka.

Dowladda ayaa diyaaradaha kusoo rogay inay bixiyaan lacago canshuur ah oo lagu dhufanaayo calaa kiilo, taasi oo ay shirkadaha sheegeen in aysan suurta-gal aheyn, taasi oo horseeday in shaqadii Cargo-ga ee garoonka ay istaagto.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in laga soo bilaabo maalintii Sabtida aanay garoonka Aadan Cadde ka bixin alaabaha Cargo ee loo qaado guud ahaan gobollada dalka.

Canshuurta ay dowladda kusoo rogtay shirkadaha ka shaqeeya alaabaha Cargo ayaa dhan hal doollar calaa kiiladii, sida ay sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadaha ka shaqeeya qaadista alaabaha Cargo-ga, taasi oo ay ka biyo diideen shirkadaha ka shaqeeya.

Dowladda ayaa la sheegay inay halkan ka aragto inay ku jirto fursad looga sameyn karo dakhli dheeraad ah, ma cadda illaa hadda sida loo qaadj doono lacagahaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrintaan.

Si kastaba, Waxaa hakad ku jira tan iyo Sabtidii alaabihii Cargo-ga ee ka bixi jiray Muqdisho, kuwaasi oo loo qaadi jiray guud ahaan gobollada dalka, mana ahan markii u horreysay ee qeybo kamid ah shaqada garoonka u istaagto canshuur ay kordhisay dowladda.