Badhan (Caasimada Online) — Xiisad iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah xukuumadda Saciid Deni ayaa ka taagan degmada Badhan ee gobolka Sanaag, taasoo ka dhalatay muran ganacsi oo ka dhaxeeya ganacsatada deegaanka iyo shakhsiyaad lala xiriirinayo Madaxtooyada Puntland.
Murankan ayaa salka ku haya qaabka loo maareeyo soo dejinta jaadka Miirowga ee laga keeno dalka Kenya, arrintaas oo sababtay cabashooyin iyo kacdoon ka dhan ah maamulka sare ee Puntland.
Ganacsatada jaadka degmada Badhan, oo ah kuwa si joogto ah u bixiya canshuuraha dowladda, ayaa dareemaya in la duudsiinayo xuquuqdooda ganacsi. Waxay sheegeen in kooxo gaar ah oo si dhow ula safan Madaxtooyada Puntland ay faragelin ku hayaan ganacsigooda, taasoo abuurtay dareen ah in cadaalad-darro iyo eex ay hareeyeen hannaankii ganacsiga ee gobolka.
Kooxaha lala xiriirinayo Madaxtooyada ayaa lagu eedeeyay inay adeegsadeen awoodo dowladeed oo aan sharciyad buuxda lahayn, si ay u caburiyaan ganacsatada deegaanka, una qabsadaan ganacsiga jaadka ee degmada Badhan.
Tallaabadan waxay si toos ah u dhaawacday kalsoonidii bulshada ee maamulka Puntland, iyadoo la dareemayo in hantida iyo fursadaha ganacsi lagu takri-falayo.
Sida ay sheegeen guddiga ganacsatada jaadka ee degmada Badhan, waxaa jira isku dayo la doonayo in ganacsiga jaadka loo wareejiyo dad gaar ah oo la sheegayo inay taageero ka haystaan Madaxtooyada, iyadoo la adeegsanayo shatiyo dowladeed si sharciyan loogu caburiyo ganacsatada deegaanka.
Khilaafkan u dhexeeya ganacsatada jaadka iyo saraakiil lala xiriirinayo Madaxtooyada Puntland ma aha mid cusub. Waxaa horay u jiray dhacdooyin kale oo muujinaya isku dayo la mid ah, halkaas oo ganacsatada deegaanka lagu dhibaateeyay iyadoo la adeegsanayo magaca dowladeed. Mar kasta oo arrintaas dhacdo, waxay sii kordhisaa kalsooni darrada ay shacabka u qabaan hoggaanka sare ee Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadda hadda ka aloosan Badhan ayaa u baahan in si degdeg ah loogu helo xal, si looga baaqsado iska hor-imaad hubeysan, iyadoo la dhowrayo xuquuqda ganacsatada maxalliga ah.