Mursal iyo Cabdi Xaashi oo Turkiga ku yeeshay kulan gaar ah oo tuhun abuuray

Istanbul (Caasimada Online) – Guddoomiyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku sugan dalka Turkiga ayaa yeeshay kulamo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiintan ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada iyo musiibada dunida ku habsatay ee coronavirus.

Labada Guddoomiye ayaa isla meel dhigay ku baraarugooda ku saabsan mudada 7 bil ee u hartay dhamaan baarlamaanka Soomaaliya iyo rajo la’aanta ka muuqata qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ku dhaw dhaw labada guddoomiye ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyada ay dareensan yihiin in aysan dalka ka qabsoomi karin doorasho iyadoo aan meesha laga saarin khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen cudurka Coronavirus ee dalal ay kamid tahay Soomaaliya ay la daala dhacayaan. Waxay dhinacyadu isla garteen in si wadajir ah looga wada qeyb qaato ka hortaga iyo daaweynta dadka uu haleelay cudurkaan.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay mas’uuliyiintaan ku yeeshaan meel ka baxsan Soomaaliya, islamarkaana ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka oo rajo xumo weyn laga qabo.

Labada mas’uul oo aad ugu dhowaa Villa Somalia, ayaa doorashadooda kulan gaar ah oo madaxda kale ee dowladda ay ka maqan yihiin, dhalineysa tuhun ku saabsan inay qaadayaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo in doorasho ay dhacdo, halka Villa Somalia ay dooneyso in doorashada dib loo dhigo.