Somaliland ‘oo haysa’ dad ay uga shakisay Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay shaacisay inay gacanta ku hayso Saddex qof oo looga shakisan yahay cudurka Coronavirus oo qaarkood lagu arkay calaamadihii cudurkaasi oo faro ba’an ku haya dunida oo dhan.

Somaliland ayaa sheegtay in Saddexdaasi ruux mid kamid ah uu yahay Nin Shiinees ah, isla markaana lagu hayo degmada Lowya-cado ee gobolka Selel, xili ay ka yimaadeen dalka Jabuuti.

Cabdiraxmaan Saylici, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ah Guddoomiyaha Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Coronavirus oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa arrimahaasi daboolka ka qaaday.

Saylici ayaa ka dhawaajiyey in Saddexdaasi ruux laga qaaday dheecaankii, kaasi oo dalka dibadiisa loo diray, si loo xaqiijiyo inay qabaan cudurka looga shakiyay iyo inay ka bad qabaanba.

“Innaga saddex Qof baa laga shakisan yahay, kuwaasi oo midkooda u dhashay dalka Shiinaha, saddexdaana waa laga qaaday dheecaankii waana la diray, marka uu natiijadu soo noqoto ayuun baa la odhan karaa qofkaasi wuu qabaa ama ma qabo” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenku.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Dad ay waday diyaarada Ethiopian Airlines oo qaarkood dalka Jabuuti uga gudbay dhanka xuduuda dhulka, oo laga helay cudurka Coronavirus, isagoona sheegay inay dowladda Jabuuti kala shaqeynayaan sidii ay u heli lahaayen xog dhameystiran oo ku saabsan dadkaasi iyo bulshada ay la kulmeen.