28.3 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Museveni oo qaaday tallaabo si aad ah looga hadal hayo dunid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Musaveni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Xukuumada cusub ee Dowladiisa, waxaana golaha wasiirada ee uu magacaabay ka dhex muuqday Xaaskiisa Janet Kataaha.

Janet Kataaha oo ah Xaaska Musaveni, ayaa waxaa loo magacaabay Wasaarada Waxbarashada iyo Cayaaraha dalka Ugandha waxa uuna Musaveni marwadiisa ku sifeeyay howlkarnimo wuxuuna hubaal ka dhigay in xilkaasi ay kasoo bixikarto, sida uu haddalka u dhigay.

Musaveni ayaa Xukuumadiisa cusub kusoo koobay 50 oo isugu jira Wasiiro iyo ku-xigeeno, waxaana ka dhexmuuqda xubno horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladii hore ee uu isaga madaxda ka ahaa.

Dowladii hore iyo tan iminka ayaa waxaa ka dhexmuuqda qoyska Musaveni, waana tan lagu dhaliilo Musaveni in Dowladiisa ay tahay mid qoys ah.

Dhanka kale, Axsaabta mucaaradka Ugandha ayaa xukuumada cusub ku sifeeyay mid riyo maal-meed ah oo aan ku dhisneyn sharciga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News