14 masuul oo xilkooda ku waayay musuq-maasuq ay sameeyeen

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa xilka ka qaaday ku dhawaad 14 xubnood oo kamid ah maamulka degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, sida wararka aan ku heleyno.

Dhamaan xubnaha maamulkaasi ka tirsan ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan waxyaabaha qasbay in xil ka qaadista uu ku sameeyo madaxweynaha Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Ahlu sunna ayaa sheegtay in xil ka qaadista 14 kaasi xubnood loo cuskaday kadib markii lagu helay musuq iyo wax ka dabamarin, oo ay ka caroodeen xubnaha sare ee maamulkaasi.

Laakiin warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in dadkaasi xilka laga qaaday kadib markii xubnihii dhawaan ka gadooday maamulka Ahlu sunna ay dalbadeen in xilalka laga qaado.

Xubnaha dhawaan gadooday ayaa la sheegay iney la shaqeyn waayen 14-ka xubnood ee xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana la sheegayaa in lagu qancinayay dadkii dhawaan gadoodka sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com