24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Ciidamada Ethiopia oo 43 qof ku xasuuqay Somaliland (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Ciidamada maamulka Soomaalida iyo kuwa dowlada Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa  iney dad rayid ah ku laayeen deegaan hoostago gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku dhawaad 43 ruux oo ka kooban haween iyo caruur ay laayeen ciidamada Ethiopia kadib markii iyaga oo maraya deegaanka Jaamac Dubad ay rasaaseeyeen ciidamada Ethiopia dabley hubeysan oo aan la garaneynin.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Liyuu boolis oo isla socda ayaa lagu soo waramayaa iney ka caroodeen falka dableyda hubeysan ay ku rasaaseeyeen  waxaana kadib ay rasaaseeyeen dadka rayidka ah ee haweenka iyo caruurta u badan.

Dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhibaatada ciidamada Ethiopia ay u geysteen dadka rayidka ah, waxaana la ogeyn jawaabka maamulka Somaliland.

Ciidamada Ethiopia ayaa marar badan xasuuq ka geystay deegaanada dhanka dhaca xuduuda Soomaaliya ay la wadaagaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News